Hayb-soocu Waa Dhaqanka Askariga Raggii Ma adigaa ka Hadhay ( Abdi-Shotaly).

0
Thursday August 27, 2020 - 21:00:43 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1131
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 2
  • Share via Social Media

    Hayb-soocu Waa Dhaqanka Askariga Raggii Ma adigaa ka Hadhay ( Abdi-Shotaly).

    * N.B. Usagag Isma Maydho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N.B. Usagag Isma Maydho.

Ummad yahay horaa loo yidhi " Usgag isma maydho" Maskaxdda askarigu waa taynu garanayno, ee wax walba ka filo. Murti baa ahayd duli waa duli oo ma door-soonto abid, ee wanaag haka doonin. Bani'aamdku wuu siman yahay, waxana uu ka wadda abuurmay Nebi Aadam (CSW) iyo Xaawo oo feedhiisa laga abuuray iyana, taasi waxay kuu cadaynaysaa in aanu qof-na-qof kale ka faani karin, waxna dheerayn ee la wadda siman yahay xaga dhalashadda, marka laga tego inta uu Eebbe ruux kaste ka siiyey ama siduu ugu tallo galay ee ah maalka, quruxdda, midabka (sidda cadaan iyo madawga), curyaan iyo mid cago qaba, ubad iyo duunyo, illaah baa awoodiisa ugu qaybiyey, taas cid bedeli kartaa ma jirto, laakiin mid bilaa maskax ah oo caqliga fuud kaga jiro, sidda askariga "Xaafad-tooyadda" oo kale ayaa sidaas u fekeri kara. wax baad ka saraysaa is leh isaga oo laf-tiisu aanu waxba ahayn. Xaqiradda iyo Hayb-soocu, hoos u dhig qof aad sharaf-tiisa meel kaga dhacdaa, waa wax ay diinta islaamku, kana soo hor jeedo, oo aanay marnaba ogolayn. ka ku kacaana wuu ka baxay xuduuddii diin-teena Al-Furqaan ( islaamka) ay inoo dhigtay, maadaama ay ka gudbeen wixii uu ina faray quraaku, oo ah hadalkii Rabbi. Hadaba qofka is diidsiiya ama is yidhaaha wax ka bedel, sidda " Raggii ma adigaa ka hadhay" oo isagu isu qaatay in Illaahi sameeyey uu ka awood badan yahay, waa sidda uu ku xisaabtamo, iskana dhaadhiciyey jaahilkan ku jira guriggii moorgan.

 

Xadiis baa waxa uu odhanayaa" Al-naasu sawaasiyan ka asnaanal mushti" Oo micna-hiisu yahay " Dadku wuxuu u siman yahay sidda ilkaha garfeedha ay u siman yihiin" taas oo marka la fasilo ah " Qof-na-qof kama dhalasho sareeyo" kolka laga reebo qaabka uu Illaahay u kala ekay-siiyey ama uu risiqiisa ugu kala qaybshay, aqoonta rabaaniga ah ee uu ku manaystay iyo ka uu wax "Aqoon ahba uu ka qadiyiyey, sidda askarigan meesha baf-baf leh" Akhristaw waxan hadaba u soo qaatay arimaha aan soo dul maray, saaka oo taariikhdu tahay 27/08/2020. Waxa looga yeedhay xarunta askarigu Maamulo ee dadka iyo xoriyatul-qawlka lagu cabudhiyo, ee lagu sheego magaca been-beenta ah ee C.I.D. Af-hayeenkii Xusbiga Mucaaridka ah ee Barkhad Jaamac Batuun, iyadda oo lagu haysto waraysiggii uu shalay siiyey weriyaha, taas oo uu yidhi " Ninka dalka haystaa wuxu yidhi " Maxaa Midgaankan yar i daba djigay" Waana dhab oo wuu yidhi" iyadda oo ay weliba shir ahayd il yartu is qabatay. Askarigu isagaa Midgaan ah ka ugu xun, ee maxaa lagu haystaa Barkhad Jaamac Batuun, in aanu cidi usgageed ka gaadhayne. Af-hayeenka Mudane Barkhad hal milyan oo jeer buu ka sharaf badan yahay, waxan waalan ee bilaa anshaxa ah. Haddii cid migaan tahay isaga baa ah oo aan lahayn dhaqanka bani'aadamka ee muta-wixsh ah, aan meela ka soo gelin dadnimo, bilaa basar ah laga yaq-yaq-soodo, waa waslad qudhun ah oo bani'aadamka lagu soo dhex tuuray.

 

Sidda uu quraanku inoo sheegay, ee ku cad axaadiista, Ummad marka la rogaayo waxa loo soo diraa jahail aan rabbi iyo rag mid-ba aqoon, diina wax ka garanayn ama aan haysan-ba, oo ay hor carartay wax la yidhaaho " Madaxnimo" Markaasu waashaa oo is yidhaahaa adiga baa malaha ka awood weyn Illaahi isaga abuuray, dabeed kibir waa ka-ka qaaday ee isla baxay, ilayn waa wax aan caqli u dhalane, waa ka fadhaq-booday, ee is yidhi adiga baaba ka illaaha meesha, oo cidi kaama daba hadlayso, mar hadaad hayso mididda daab-keeddii. ee sidda shimbirkii la odhan jirey " Daa'uuska" u socday, kolba dhan isu qaloociyey edeb-darradda,hadba adin qaaday,ee dhulka inuu cagaha dhigo diiday isla weyni awgeed, ismana oga in uu sidda shimbir-kaas " Daa'uuska" uu garab qudhunsan leeyahay. kanina qab u is mood-siiyey in uu leeyahay baa la xaar tegay, cajaa'ibka aanu aragnay xishood la'aan iyo indho isku qabsho, baha-bahaa, is waal iyo cago-julayn aanu wax ku taray-nini waa dhaqanka askariga, uu magaciisu ku qoran yahay cinwaanka saar.  isla weyn doora-weyn weliba madhan. Waxan ku soo xidhay qoraalkan. Haddii cidi aanay nasab ahayn, askariga fadhiya " Xaafad-tooyadda" Hargeysa baan meela ka soo gelin, oo la qiimo ah doofaarka rabbi inaga mamnuucay in aynu cuno. ee muxuu dad kale ka sheegi karaa, isaga baa ugu liita wax uu illaah abuurey oo dhane.

 

* N.B. Usagag Isma Maydho.

Qore:- Abdi-Shotaly.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...