Maxaa Ka Jira In Ex Raysal Wasaare Khayre Laga Horistaagay Inuu Madaarka Muqdisho Ka Dhoofo?

0
Thursday August 27, 2020 - 20:38:44 in News by
  • Visits: 2410
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Ka Jira In Ex Raysal Wasaare Khayre Laga Horistaagay Inuu Madaarka Muqdisho Ka Dhoofo?

    Maxaa Ka Jira In Ex Raysal Wasaare Khayre Laga Horistaagay Inuu Madaarka Muqdisho Ka Dhoofo?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaa Ka Jira In Ex Raysal Wasaare Khayre Laga Horistaagay Inuu Madaarka Muqdisho Ka Dhoofo?


Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlayey munaasabad lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in weli dowladda Soomaaliya ay wado tacadiyada ay ku heyso siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiintii hore.

Xasan Cali Khayre:


Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa khudbaddiisa ku sheegay in shalay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde lagu celiyey Ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Khayre, kadib markii ay is hortaag ku sameeyeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka Somalia.


 

Ma shaacin halka uu ku jeeday Khayre, balse wuxuu tilmaamay in loo adeegsaday ciidamadii uu dhisayey saddexdii sano ee uu ahaa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.


”Maantadan waxaa la ii sheegay nin wasiirada Galmudug ka mid ah oo maanta ka yimid Muqdisho in Airoport-kii lagu celiyey Ra’iisul wasaarihii ninka ahaan jiray in isbraaro loo dhigtay Xasan Cali Khayre.” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.


 

Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey ”Ciidanka marka haddaan loo sheegin shaqadaada waxay tahay amniga, shaqaada waxay tahay inaad dowladnimada dhowrto, shaqadada waxay tahay inaad Dastuurka ilaaliso oo hub loo dhiibo mooryaanka wuxuu ka bedalan yahay malaha haddii qofkii la raboloo isticmaali karo.” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.


Caasimada Online ma xaqiijin karto warkan uu shaaciyey siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, iyadoona mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo aan la xiriirnay ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan falkaasi la sheegay in lagu celiyey, R/wasaare Khayre.


 

Arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan dalka uu ku jiro xalaada cakiran iyo marxalad kala guur ah oo la’isku diyaarinayo doorashooyinka 2020/2021-ka.

Loading...
Loading...