Yaa Muuse Biixi Uga Shaqeeyey Inuu Gacanta Ku Dhigo Xisbiga Kulmiye?

0
Thursday August 27, 2020 - 19:04:09 in News by
  • Visits: 3180
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yaa Muuse Biixi Uga Shaqeeyey Inuu Gacanta Ku Dhigo Xisbiga Kulmiye?

    Yaa Muuse Biixi Uga Shaqeeyey Inuu Gacanta Ku Dhigo Xisbiga Kulmiye?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Yaa Muuse Biixi Uga Shaqeeyey Inuu Gacanta Ku Dhigo Xisbiga Kulmiye?


Maxaad Ka Taqaana Ciidamaddii Malaa-iigeed Ee Kulmiye Uga Shaqayn Jiray Muuse Biixi Waligii In Aan Lala Tartamin.. Maantana Baashe Cawil Ayaa Halkii Maray.

Image may contain: one or more people


Kulmiye anigu ma ihi mana jecli inaan doca doceeyo Shirkiisa, maadaama oo aan ahaan jiray Xogogaalna u ahay wax badan oo Xisbiga ka soo dhacay 15-kii sanno ee u danbeeyay waxa maqaalkan iga keenay war soo baxay oo sheegaya in Wakiilka Somaliland ee Kenya Baashe Cawil Xaji Cumar Odayayn ka galay in jagada Guddoomiyaha markale oo Saddexaad loo daayo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, laba jeer oo hore ayuu jagada Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye soo qabtay (2010-kii oo lagu wareejiyay iyo 2014-kii oo dib loogu doortay) .


Aan ku soo noqdo dulucda maqaalkayga, Kulmiyaha uu hoggaamiyo Muuse Biixi Cabdi waxa ku gedamaan qisooyin cajiib ah oo aynaan qormo iyo laba kaga baxayn, aan midh iyo midh kale ka xuso. Markii Axmed Siilaanyo Madaxweynaha Somaliland loo doortay 26-June 2010-kii, isagoo aan badhidaba kursiga dhigin ayay ergo malaa-iigeed oo ka socota degaanka Madaxweyne Siilaanyo Odaygii jiif iyo joog u diideen. Fariinta ay sideen oo kolay Muuse Biixi debadda ka waday waxay ahayd "Madaxweyne kursiga Guddoomiyaha wareeji oo ku wareeji ku-xigeenkaaga Muuse Biixi sidii ballantu ahayd. " Goor aan habeena ahayn maalina ahayn ayaa 40-casho kadib doorashadiisi oo intaas ergadu socotay Xajigii Axmed Siilaanyo Maansoor Huteel ku wareejiyay jagadii Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye. Markii Muuse Biixi Cabdi Guddoomiyihii Xisbul xaakimkii Dalka loo cumaamaday si wax noqdeenba iskada difacoo Mucaaradnimada ugu badan waxay Xukuumadda kaga timi bilawgiiba dhankii hoggaanka Xisbiga oo Guddoomiyuhu hoggaaminayo. "Ciyaalba meeshi qabsaday, Odaygu ma taliyo, Habar Love way soo guurtay oo Madaxtooyada ayay tubantahay" ayaa kamid aha halku dhigii uu suuqa sida suuqdiga ah u galiyay Hoggaankii tallada Xisbiga la wareegay.


Taasi waxay keentay inay isku dhacaan Wasiiradii Axmed Siilaanyo iyo Hoggaankii Xisbiga Kulmiye, waxay gaadhay in sidii laysula rafanaayay 4-sanno shirwaynihii Xisbigu soo dhawaado, Madaxweyne Axmed Siilaanyo wuxuu Wasiiradiisa wacad kula galay in lagu tartami doono jagada Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye sidaana ay ku hawl galaan. Beesha Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi ayaa shir la magacbaxay Hodaale qabsatay si loogu kala reebo ragga u sharaxan jagada Guddoomiyaha Xisbiga oo dabcan noqon doona Murashaxa Madaxweynaha, Beesha Habar-Awal way u taag wayday oo waxay tallo ku soo sareen halagu kala baxoShirwaynaha Xisbiga (Kii Rooni Reerka Haw Hadho) Ayaamo kooban iyadoo shirkii ka hadhsanyihiin markale ayay ciidamo malaa-iigeed oo aanay cidina diranin kana soo jeeda Beesha Madaxweyne Siilaanyo waxay u tageen Madaxweynihii oo aha Odayga Xisbiga waxayna shirar dhawr habeen socday kadib ku qanciyeen in aan lagu la tartamin Muuse Biixi jagada Guddoomiyaha Xisbiga. "Waar ileen cajaa-ib". Waxay u tageen Cabdicasiis Samaale oo aha Wasiirka Maaliyada iyo Murashaxii ugu xoogna ee loo badinaayay inuu noqdo Guddoomiyaha Xisbiga, waxay ku yidhaahdeen "Madaxweynihii waxaanu isla garanay in aad la dhammaysato jagada Wasiirnimada, Muuse Biixina maanta looga hadho Guddoomiyaha Xisbiga hadhawna Murashaxnimada qofka Madaxweynaha u ordaaya lagu tartamo" Raggii wakhtigaas Cabdicasiis Samaale u tagay ee habeenkaas warka ugu dhiijiyay waxan ka xasuusta, Suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen Nuur, Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Ex Xildhibaan Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) , Samaale warkaas beesha Bariga Burco u keentay wuu qaadan waayay, wuxuu ku cel celiyay in aanay ahayn shaqo iyaga u taala cida noqonaysa Guddoomiyaha Xisbiga, wuxuu u sheegay inay xitaa Beesha Habar-Awal arrintaas ka gaabsatay, wuxuu u sheegay inay 4-sanno is hayeen Xukuumadda iyo Xisbigu oo maanta la kala baxaayo, tii Ciidamadda malaa-iigeed ee Muuse Biixi loo sakhiray ayay noqtay, markale kaligii ayaa loo cumaamaday jagadii Guddoomiyaha Xisbiga cidna kulamay tartamin.


4-casho doorashadiisi ayuu shaciyay inuu yahay Murashaxa Xisbiga ee doorsshada Madaxweynaha oo markaas aanu Madaxweyne Siilaanyo ka tanaasulin, Cabdicasiis Samaale oo niyad jabsana afkiisa ayuu xidhay Maxamed Biixi Yoonis-na wuxuu ka dhacay oo debadda ayuu wareegay, waxa isku soo baxsaday Muuse Biixi iyo Madaxweyne Siilaanyo, Shaanidi ayaa qaraxeedu ilaa fadhiga Odayga ee Madaxtooyada gaadhay, wakhtigaas Maxamuud Xaashi iyo Cali Mareexan oo mar kasta Guddoomiyaha Xisbiga la saf aha ahana labada xubnood ee kaliya ee Madaxtooyada u jooga Cali Mareexana wuu dhoofay Maxamuud Xaashina hoosta ayuu maray, sutida ayay u qabteen Wasiiradii kale waana lays colaadsaday, markaas Muuse Biixi waa laga adkaaday waxaana markale sheekadi soo galay ciidamo malaa-iigeed oo xagga Bariga Burco ka socda, lakiin markan si ka duwan sidii hore ayay u galeen oo waxay soo dhex mareen Ganacsato Sacad Muuse ah oo aan ka xusi karo, Maxamed Aw Siciid, Indho Birta iyo Rashiid, waxayna ganacsatadaas u soo jeediyeen inay Muuse Biixi ku qanciyaan inuu tanaasulo hadhawna iyagu ay ka shaqayn doonaan in Odaygu u tanaasulo waa Axmed Siilaanyo oo Muuse Biixi la sharaxo. Sidii ayay ganacsatadii ku hawl galeen Musue Biixina wuu aqbalay, halkaas iyadoo maraysa ayuu soo galay shirkii Xisbigu ku dooranaayay Murashaxa Xisbiga ee Madaxweyne hadana markale ayay ciidamo malaa-iigeed oo aanay cidina diran oo iska xiiqsani ka hawl galeen in aan Muuse Biixi lala tartamin, tii ka dhacday waa la ogaa. Ilaa Shirkii Burco ee Gacmaha Salaanta laysu saaray labada Suldaan waxa ka shaqaynaayay ciidamo malaa-iigeed oo aanu Muuse Biixina dirsan Habar-Awalna dirsan waxa qudha ee diray ay tahay jacayl rabaani ah oo si Indho la'aan ah cid u jeclaaday cid kalena u nacay . Saladiinta Habar-Awal waxay Shirkii Burco ku adkaysteen in saxaafadda laga daayo waxaase ku dhegay dhanka kale oo daliil ka dhigtay "Marka la arko sida Bariga Burco Muuse Biixi u raacsan yahay ayay Beeshiisuna u raacaysa". Dhammaan siyaasiyiintii Muuse Biixi ka soo horjeeday waxa u tagay oo ka shaqeeyay ciidamadaas malaa-iigeed. Waxaan is waydiiyay tollow xaggan kale (Habar-Awal) miyaan iyaga laga helin wax ciidamo malaa-iigeed ah oo maruun ka soo baxa oo Odayga wax ka soo dhammeeya, ma dhan qudha ayaa waligii raran.?."


Maanta Baashe Cawil Saxiibkay isna tii wayadaas aan ka soo sheekeeyay ayuu wada oo waa ciidan malaa-iigeed ee markale Maxamuud Xaashi iyo cidii kaleba ha tanaasuliyo oo Muuse Biixi kaligii ha yidhaahdi cidina la tartami mayse ballan inaga dhaxaysayna ma jirtee ka horbaydha Madaxbuurkeena.


Afeef. Raali ahaada ciddii uu qoraalku ku dheeraaday qisada ayaa dheerayd waxaan ugu tallo galay inay akhrisato ciddii awooda uun.


Tusan. Muniir Axmed Cigaal.
Birmingham/UK.

Loading...
Loading...