Siyaasi Ka Hadlay Saacado Ay Xukuumada Muuse Biixi Xabsiga Dhigtay Iyo Magaaladii Boorama Oo RRU La Wareegtay.

0
Thursday August 27, 2020 - 18:26:19 in News by
  • Visits: 3351
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Ka Hadlay Saacado Ay Xukuumada Muuse Biixi Xabsiga Dhigtay Iyo Magaaladii Boorama Oo RRU La Wareegtay.

    Siyaasi Ka Hadlay Saacado Ay Xukuumada Muuse Biixi Xabsiga Dhigtay Iyo Magaaladii Boorama Oo RRU La Wareegtay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasi Ka Hadlay Saacado Ay Xukuumada Muuse Biixi Xabsiga Dhigtay Iyo Magaaladii Boorama Oo RRU La Wareegtay.


Hargeysa(HWN):-Ciidamada RRU-da ayey xukuumada Muuse Biixi maanta galisay magaalada Boorama oo la doonayey in lagu soo dhaweeyo ugaaska guud ee beelaha Gadabuursi Ugaas Cabdirashiid.




Taliyaha hawl galinta ciidamada RRU-da oo ilaa shalay ku sugnaa magaalada Boorama ayaa maanta subaxii ku guulaystay inuu awood ku hor istaago in dadweynaha Awdal ay soo dhaweeyaan Ugaaskooda guud oo safar ku imanayey xarunta gobolka ee Boorama.


Dhinaca kale siyaasiy Maxamed Abiib oo ka mid ahaa dadka soo dhawaynayey Ugaas Cabdirashiid ayey ciidamada RRU-du xabsiga dhigeen ka dib markii ay arkeen isaga oo ku sugan deegaanka Goroyo cawl oo ay ku sugnaayeen dadweyne fara badan oo soo dhawaynayey ugaaskooda.


Siyaasi Maxamed Abiib oo saacado kooban ka dib xoriyadiisa helay ayaa ka waramay qaabkii loo xidhay iyo sababta keentay xadhigiisa, fariin uu ku baahiyey bogiisa Facebook ayaanu ku yidhi:-


Ilaahay mahadii Mudo ku siman laba saacadood oo aan xidhnaa kadib xoriyadaydii ayaan dib u helay.


Anoo kasoo talaabay dhanka Itoobiya Abaaro 12 duhurnimo ayaa markii aan soo gaadhay dhanka xadhiga somaliland( Gorayo Cawl) ee uu ka taagan yahay calankeenu aan salaamay oday ii adeera oo meesha meherad ku haystay.


Kadib waxan maqlay "kaasi muuna maxamed abiib ahayn"? Haadii iyo waxa kulmay katiinad casriya oo aanan horaba u arag iyo ciidan RRU ah oo igu ururay".


"Waa ninka dadka gobalka kiciyay imikana kicinaya ayaa kamid ahaa kalmadaha aan maqlayay.


Cadaalad hala sameeyo ma kicinbaa ma xumaanbaa oo ma xadhig ayaa lagu kasbanayaa?


Waar heshiiskeenii 2005 ee ahaa habqaybsiga 1960kii maanta oo kaliya ayaa lagu galayaa qofka leh hala fuliyo oo Tirakoob hala sameeyo ama xalkale aan keeno ninka lihi ma dambiilaa?


Dawladu kicinta dadka haka dayso oo hadii ay doonayso wanaag kaliya cadaalad ha samayso

Anagu Nabada iyo wadajirka umada somalind kama soo horjeedno mana xumaynayno ee waxa xumaynaya ninka cadaalad uu awoodeedii Fulineed gacanta ku hayo laga kari laayay

waxa xumanaya ninka leh doorasho qasab halagu galo aan la isla ogolayn hab qaybsiga lagu galayo heshiis horana ka yaalay.


Dawlada waxan leenahay" Sakaaro tun qabasho biyo kuma cabto".


Shacabkana waxan ugu baaqayaa inay nabada dhawraan oo intii ay ka fogaan karayaan isku dhac iyaga iyo ciidanka ay ka fogaadaan waxay sheegataba ha waydee waxan idinku boorinayaa inaad dareen kiina iyo doonistiina usoo bandhigtan hab nabada oo ilbaxnimo ku dheehan tahay kaasaan hubaa inuu ka awood badan yahay qalalaasaha iyo qoryaha la ridee.


Somaliland loo siman yahay Xoolaheeda Xilalkeeda iyo xeerkeeda ninkii diidayow Dilaac

 

Loading...
Loading...