War Degdeg Ah: Qof Ku Dhaawacmay Rabshado Ka Dhashay Ugaaska Gadabuursi Oo Loo Diiday Inuu Soo Galo Boorama.

0
Thursday August 27, 2020 - 15:18:54 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2841
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Degdeg Ah: Qof Ku Dhaawacmay Rabshado Ka Dhashay Ugaaska Gadabuursi Oo Loo Diiday Inuu Soo Galo Boorama.

    "Jawaabta ciidamada amniga ayaa noqotay xabad"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Jawaabta ciidamada amniga ayaa noqotay xabad"


Boorama (HWN) Hal qof ayaa ku dhaawacmay rabshado ka dhashay Ugaaska Beelaha Gadabuursi oo maanta loo diiday inuu soo galo gudaha gobolka Awdal.



Rabshadahan ayaa ka dhacay xaafadaha xiga cidhifka koonfureed ee Boorama, kadib markii ay koox dhalinyaro gadoodsani taayiro gubtay, kuna dhawaaqeen hadalo ka dhan ah Somaliland.


Jawaabta ciidamada amniga ayaa noqotay xabad ay ku kala kaxeeyeen dhalinyaradii mudaharaadaysay, oo ku dhacday mid ka mid ah dhalinyaradaas oo magaciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan Maxamed Barkhad oo markii dambe la keenay cisbitaalka Boorama.


Xaalka Boorama ayaa iska cakiran wax uu dhali doonana aan la garanayn ilaa hadana Ugaas Cabdirashiid waa laga hor joogsaday inuu xadka gorayacawl ka soo talaabo.


Maxamed Bili Bili

Hadhwanaagnews/ Boorama

Loading...
Loading...