War Degdeg Ah: Afhayeenka Xisbiga Waddani Oo C.I.D Looga Yeedhay
Hargaysa (HWN) Afhayeenka guud ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Barkhad Jaamac Batuun ayaa goor-dhawayd looga yeedhay xarunta baadhista dambiyadda Somaliland ee C.I.D-da.
Maxamed Siddiiq Dhamme oo ka tirsan xisbiga WADDANI ayaa xaqiijiyay, waxaanu qoraal uu baahiyay uu ku yidhi "Hadda waxa looga yeedhay xarunta danbi baadhista C.I.D magaalada Hargaysa Af-hayeenka Barkhad Jaamac Batuun Xisbiga WADDANI Waxaanu u aragnaa tallaabadaasi Cabsi gelin (Intimidation)lagu samaynaayo. Waxaana lagu haystaa ka hadalka Haybsooca qarniyada soo taagnaa ee uu ka hadlaayay toddobaadkan tallaabadaasi waa caddaawad muujinaysa Takoor hor leh.”
Dhan kale wararka qaar ayaa sheegaya in la xidhay Afhayeen Barkhad Jaamac Batuun balse ma jirto illaa imika cid xaqiijisay xadhiga afhayeenka xisbiga Waddani.
Wixi Warar Ah Ee Ka Soo Kordha Kala Soco Wararkayaga Dambe.


0 





