Sheekadii Ninka Tuuga Ahaa Iyo Labadii Xamaal Ee Habeenka U Soo Dhacay & Wixii Kala Qabsaday

0
Wednesday August 26, 2020 - 11:01:35 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2390
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheekadii Ninka Tuuga Ahaa Iyo Labadii Xamaal Ee Habeenka U Soo Dhacay & Wixii Kala Qabsaday

    RAWAAHU : Abwaan Yuusuf Shaacir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

RAWAAHU : Abwaan Yuusuf Shaacir

Bariba tuug u soo dhacay Guri ay hurdaan laba nin oo Xamaaliin ahaa' danadeed Guriga oo ahaa Aqal yar oo nooca Baska ama Buul loo yaqaano ahaa ' Shoow wax aduun oo dhex yaalayba mx jirin oo labada nin ee Xamaaliinta ahaa iyagaba meesha ku cadibnaa oo waxba haynin' kaliya waxa Buulkaasi u dhex yaalay Gadbad Bariisa oo Alaabtii u dambaysay ee maalinimadii ay soo Xamaaleen ayaa Mushqaayad ahaan loo siiyey Gadbadaasi.

 

Ka dib markii uu Tuugii guriga labada nin ee aanay uga dambayn Gadbadaasi yar ee guriga dhex taala kolku u soo dhacay Tuugii waxa uu Galafay gurigii oo meel kastaba baadhay oo horta Judhiiba wuu arkay Gadbada Raashinkinka ahayd ee guriga dhex taala balse wuxu isku dayey Tuugaasi in uu bal wax kale oo manfac lehi guriga dhex yaalaan balse si kasra oo uu gurigii u baadhay iyo meel kasta oo uu gacanta galiyeyba waxba ka waa.

 

Inta ka dib Ninkii Tuuga ahaa waxa uu soo ag fadiistay Gadbadii Raashinka ahayd oo shoow Tuug Saqajaanimo lagama waaye wuxu istusay maadaama Gadbada qaaditaankeedu ku culusyahay in uu Badh ka shubtu raashinka' ka dib wuxu Tuugii la baxay Shaadhkiisii uu gashanaa ileen weel kale ma jiro oo ma haysto wuxu raashinka ku shubo oo kale ee waxa uu dhulka ku gogjay Shaadhkiisii ka dibna waxa uu u jeestay xagii gadbada Raashinka si uu bacda u furo oo uga miisto Raashinka uu Shaadhkiisa u gogladay.

 

Inta ka dib shoow Jaba waaka Dambeeye labadan nin ee Xamaaliinta ah ee uu Tuugani u soodhacay mid ayaa soo jeeda oo ilaa bilawgii soo dhicista Tuugani iyo ilaa qaabka uu wax u baadhayey intaba talaabo talaabo ayuu u la socday ee arinta la yaabka leh ee uu sameeyey waxay tahay inta uu Aad yar soo tiigsaday Shaadhkii Tuugu bixiyey oo dhulka u sii Goglan ayuu aad yar laalaabay markaasu Barkaday ninkii Xamaalka ahaa oo dib aad yar iskaga jiifsaday.

 

Ka dib markii uu Tuugii furay bacdii raashinku ku jiray ayuu ku soo Xantoobiyey labadiisa gacmood isaga oo doonaya uu ku shubo Shaadkiisii uu dhulka ku sii Gogladay mise markii uu soi Jeestay maba yaalo Xantoobadii ayuu bacdii dib ugu celiyey saabu gab gab gab gab mise nag wuu ka quustay' dabadeed ninkii ksle ee Hurday ayaa inta uu Sanqadhii Tuugan Shaadhkiisii guriga ka dhex baadhay maqlay ayuu garo oo gurigu hada waa Madoow ee wuxu yidhi "Waarya hebel (wuxu la hadlayaa saaxiibkiisa kale ee Tuuga daawanaya ee Shaadhka ka qariyey) guriga ma Tuugba u soo dhacay taloow sanqadh ayaan maqlayeye..."

 

Kuye: Ninkii Tuuga ahaa inta uu ka soo booday meel yar oo Madoow oo uu isku dhajinaayey "Xageebaanu Tuug ka Soo Dhicin hada yaabaase shaadhkayaqii qaatay mee Shaadhkaygii.."

Inta sida yidhi uu mise dig dig yidhi oo Kadinka ayaabu ka boodayba kkkk

 

Tuugu inaga Hawlo badan Habeenkii hhhhLolz

 

RAWAAHU : Abwaan Yuusuf Shaacir


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...