Jooji Niicda Ah.

0
Wednesday August 26, 2020 - 10:40:48 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 917
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jooji Niicda Ah.

    Qalinkii: Osman Omar Dool

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qalinkii: Osman Omar Dool

 

Fartoodii ha eersadeen, wuu kuwii u codeeyay, iyagaa doortay waa kuwii lahaa Muusow na jiidh.

 

Hadaladaasi waa hadalo aan dhadhan lahayn

Hadaa ma adigaa Nabi u codeynaayay adiguba nin Qabiilkiina ah ayuunbaad u codaynaysaye.

 

Waxaad tidhaahda isagaa xun oo Maamuli kari waayay kuwii u codeeyay iyo kuwii ka codeeyay labadaba oo ka doortay sucmad xumo.

 

Abdikarim Ahmed Mooge ayaanu maalin is waydiinay sidee loo heli karaa in ay dadku Qabyaalada iyo Dawlad xumida ka baxaan.

 

Abdikarin wuxuu igu yidhi "Dadka oo soo doorta qofka wanaagsan". Sida uu imika isagu ku fikiraayo in Isagoo shaqsi Wanaagsan ah ay Reer Hargeisa ku doortaan kartidiisa, aqoontiisa, daacafnimadiisa iyo sharaftiisa uu ka dhawray in uu shaadhka Qabyaalada xidho.

 

Anigu waxaan ku idhi ma dhici karto!! Waayo dadku Qabyaalada ayay adoomo u yihiin mana dhici karto in ay ku dhiiradaan in ay codka siiyaan nin aanay Qabyaalad ku raacin. Bil cakis dadka waxaa Wadaniyiin ka dhiga kara Hogaamiye marka hore ku yimid qaabkan kursiga lagu yimaado.

 

Gebagabadii ha ka dhigin dambiilayaal dadkii Muuse Biixi doortay waayo may samaynin wax aanad adigu samaynin.

 

Dhaadhaan hadaan ahay adna Dhoohanaad tahay.

 

Qalinkii: Osman Omar Dool

Oslo Norway.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...