"Ila Qaayo Weyn.." W/Q: Abdilahi Geeljire

0
Wednesday August 26, 2020 - 10:37:04 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1141
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Ila Qaayo Weyn.." W/Q: Abdilahi Geeljire

    Gabbad: Asc. Waar Guun beryahaa waynu kala yar raagnaye bal warran.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabbad: Asc. Waar Guun beryahaa waynu kala yar raagnaye bal warran.

Guun: Warka anigu ma idaacad baan ahay dee orodoo BBC daa dhegeyso.

 

Gabbad: BBC yaa? Waar taasi waa Radio Muqdisho eh noo warran jikaarka naga daayoo. Inaadeer horta sidaad yar tahay? Miyaa lagu maray dee?

 

Guun: ‘aar warna ma haynee wax na weydii dee aanu kaaga jawaabnee. Waaxay iska warran uun?

 

Gabbad: Waa hagaage ku weydiiyay eh Buurta kala-jeexan ka warran.

 

Guun: Yaa? Maxaa baasee kala jeexan? Ma ma surwaalkaa iga jeexmay?

 

Gabbad: waa markeenii! Wadhlo! Waar surwaal layne dad masaakiina baa la raray ma maqashay?

 

Guun: Ma abaar baa ku heshay meesha? Sawtii lala lahaa sanadkan waa barwaaqo meel waliba.

 

Gabbad:Hodhodho! "Shimbirtii Oodweynaay hodhodho.” Ayuumbaan maqli jiray. Kan anaaba maqal dhaama.

 

Guun: Sucuudigii iyo Paskistan baa is haya miyaad maqashay adigu?

 

Gabbad: Jaw! Waar bal Landta ku soo noqo oo ina wax hadal hayn ah Madaxweyne miyaad maqashay?

 

Guun: Mayee ma maqal. Miyuu dhexdhexaadinayay?

 

Gabbad: haddaa dad masaakiin ah oo dan yar ah miyaad maqashay? Ina ma kugu soo duuleen?

 

Guun: Miyuu caawiyay?

 

Gabbad: Aqallo la dumiyay ma maqashay haddaa?

 

Guun: Haa. Falastiin baan ku maqlay.

 

Gabbad: Dumar iyo carruur ooyaya oo dibadda loo qubay ma maqashay?

 

Guun; Oo Falastiin ah? Haa dee baan ku idhi.

 

Gabbad;Hargeisa ma ku maqashay?

 

Guun: Waar anigu Madasha ma maqlo.

 

Gabbad: eeg. eeg. Wuu is yeelyeelayaa wax walba wuu og yahaye.

 

Guun: Ma anigu?

 

Gabbad: Haddaba waa inagiiye oo cidi ina maqli maysee markaad aragto isagoo qalad ku jira oo duni qarribay ama cid dulmaya ama meel ku haysta ee adigoo ka xun haddana aad guulwadayso heestii aad qaadi jirtay maxay ahayd?

 

Guun: hhhhhh. Adigu hoos u dhig dee. Waa ku sidee. Hayna qarribin dee.

 

Gabbad: waayee maxay ahayd heestii.

 

Guun: " Weli aniga way ubax nuurayoo Ila qaayo weyn.” Heestii Maandeeq dee. Cid haw sheegin hadda arrintu waa beynii wa beynak.

 

Gabbad: Oo adigu waad sii jeclaataaba miyaa? Oo maba nacdid


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...