Somaliland: Dulmiga Ha Ka Ooyin, Haddaad Ooydidna Waxaad Ku Khasbantahay Inaad Raalli Gelin Bixiso!

0
Wednesday August 26, 2020 - 09:47:02 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1362
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland: Dulmiga Ha Ka Ooyin, Haddaad Ooydidna Waxaad Ku Khasbantahay Inaad Raalli Gelin Bixiso!

    W/Q: Maxamuud Ibrahim (Xaaji)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Maxamuud Ibrahim (Xaaji)
Waxa dhowaan lagu qabtay magaalada Hargeysa kulan lagaga hadlayey dhibaatooyinka lagala kulmo habdhaqanka qalloocan ee haybs sooca. Dhaqanka hayb soocu waa dhaqan salka ku haya badownimo, dadnimo xumo, garasho liidata, kalsooni darro ku habsatay int wax is bidda bulshadeenna. Waa dhaqan gurracan oo qayb bulshadeena ka mid ahi kula kacdo qayb kale oo isla bulshadeenna ka mid ah. Si kasta oo aad ugu fiirsatid wax kala geddisnaan ah oo u dhexeeya qofka wax hayb soocaya iyo ka la hayb soocayo heli maysid. Xag midab, xag af, xag diineed xag dherer/gaabnaan, xag cunto, xag cibaado, xag hu'/dhar, ma jiro wax dadkaa kala sooca. Haseyeeshee markaad usii dhabo geshid waxa kuu soo baxaya laba wax oo laga yaabo inay tahay sababaha qarsoon ee labada dhinac ku kala geddisan yihiin



 1) Tan koowaad waa karti, adkaysi iyo farsamo wax soosaar, taasoo kan la hayb soocayaa dheer yahay kan wax hayb soocaya.


 2) Tan labaadna waa sawir-beenaad maskaxeed oo fulaynimo iyo kartidarro huwan, oo kan wax hayb soocayaa dugsado, si uu ugu buuxiyo meel daloosha oo damqanaysa. Sawir maskaxeedkan ama humaaggan beenta ah ee uu sawiranayo qofka wax hayb soocayaa dawo dhab ah uma noqonayso boogtiisa uu rabo inuu ku dedo si aan loo arkin. Boogtaas dawadeedu waxay ahaan lahayd inuu si run ah u wajaho nolosha, oo uu walaalkii kula tartamo karti, farsamo, xalaal-quudad iyo adkaysi. Kan wax hayb soocayaa markuu tartankii ku fashilmay ayaa wuxuu miciin biday inuu wanaaggii walaalkii gaadhay u beddelo humaag-beenaad cay iyo ceeb ah! Tani waxay la mid tahay dawacadii laga sheegay inay kabaha Nabiga gaadhi weydey ee tidhi "uf".  Tani waa xaasidnimo meeshii ugu danbeysey.


Tusaale ahaan, ninkii birta tumayey ee agabkii horumarka iyo nolosha ee aadanuhu baahida u qabey ku guulaystay inuu kaalintiisii buuxiyo, ayaa kii nolosha ku fashilmay uu magac uu ku liidayo ula baxay. Waxaase la yaableh magacaasi laftiisu waa magac farsamo oo qurux huwan, waa magaca "TUMAAL." Kii kabaha samaynayey, hargaha iyo saamaha farsamaynayey ee ka tolayey saabaanka iyo agabka baahida weyn loo qabo waxa loogu yeedhay "KABATOLE." Magacan laftiisa nuxur ahaan waa magac farsamoyaqaannimo huwan.


 Bal hadda u fiirso magacyadani  xadaarad iyo ilbaxnimo ayaa ka muuqata. Laakiin, dhibku waxa weeye, maskaxdii masayrsanayd ee cuqdaddu dabooshay ayaa go'aansatay in magacyadani in ay foolxun yihiin. Kuwa maanta wax hayb sooca miyaa laga waayey qof si miyir qabta u fekera oo yidhaahda magacyadani (kabotole, iyo tumaal) waa caqli, farsamo iyo karti la is dheeryahay. Waa wershedda daboosha baahida kuwa masayrsan ee cuqdadu ka indho tirtay in ay si miyir qabta u fekeraan. Kabatole iyo Tumaal waa wershedaha aynu baahiyaheenna nololeed kula soo eeranno oo lagaga jawaabo. Bal qiyaas bulshadeenna Soomaaliyeed oo aan haysan farsamoyaqaannada daboolay baahiyihii wershadaha. Bal qiyaas, kabo la'aan, suun la'aan, waran la'aan, gudin la'aan, mindi la'aan, toorrey la'aan, boorso la'aan, digsi la'aan, daawe la'aan, yaambo la'aan, iwm. 


Haddaba iyadoo sidaa nolosha loogu kala tegey, oo qolona bulshada baahiyaheedii kafeysey, qoladii kalena aanay hadaltiro mooyee waxba adduunka ku soo kordhin, maxaa keenay in si qalliban loo fekero, oo wanaaggii xumaan loo arko? Maxaa keenay in la quudhsado kii la majeeran lahaa? Maxaa keenay kii dhuuman lahaa in uu u tookho kii uu ka dhuuman lahaa? Goormaase la waayo arkayaa oo la kala baranayaa waxa lagu faano iyo waxa laga faano? Su'aalahaasi dhammaanteen jawaab bay inooga baahan yihiin.


Aan u soo noqdo kulankii dhowaan (16kii Agoosto 2020) Hargeysa lagu qabtay ee in badan oo waxgaradka Soomaalida ka mid ah dareenkooda taabtay. Kulankaasi waxa hadallada maanka taabtay, ee qofkii damqasho aadaninimo ku jirto la ilmeeyey goobta ka soo jeediyey, saddex nin oo saddexdooduba ka soo jeedaan dadka samaha loo quudhi waayey ee xumaanta loogu beddelay iyo hayb sooca. Waa Mahdi Cismaan Buuri, Barkhad Jaamac Batuul iyo Maxammed Xasan Cali (Weji). Qofkii xis iyo maan nool leh haddalladaasi meel bay ka taabteen.


Mahdi Cismaan Buuri oo saddexdaa nin ka mid ahaa isagu qalbijabkii iyo muraaradillaaci wuu ilmeeyey goobtiina wuu ka kacay. Mahdi keligii ma ilmaynin oo kumanaan qaarna meesha joogeen, qaarna marar kale muuqaalka arkeen ayaa la ilmeeyey. Waxa uu Mahdi ka ilmeeyey waxay ahayd wax dhab ah oo qarniyo soo jirey oo lagula dhaqmayey isaga iyo inta ay isku haybta yihiin, aabbayaashood iyo awoowayaashood. Waxa Mahdi ka ilmeeyey waxay ahayd dulmi iyo xaqdarro dhaqan iyo sharciba laga dhigtay. Waxa Mahdi ka ilmeeyey waxay ahayd wax qofna aanu naftiisa la  jeclaadeen in lagula kaco. Waxa Mahdi ka ilmeeyey waxay ahayd waxa ubadkiisa sugaya (haddaan ciyoon laga gilgilan) ee ka hor is taagi doona xorriyaddii iyo xuquuqdii Ilaahay aadanaha siiyey. Waxa Mahdi ka ilmeeyey waxay ahayd waxa xaddidaya doorashada iyo dookha wiilkiisa iyo gabadhiisa. Waxa mahdi ka ilmeeyey waxay ahayd wax maalin iyo habeenba mudan in laga ilmeeyo oo laga dagaalamo, ilaa laga hubsanayo in la cidhib tiro.


Nasiib darro dad ka mid ah  kuwa caadaystay inay walaalohood faquuqaan oo hayb soocaan ayaa ficilkii Mahdi Cismaan dhibsaday. Dadkaasi malaha waxaa la qummanaatay inay buste huwiyaan xaqdarrada iyo xumaanta iyo foolxumada lagula kacayey walaalaheenna Soomaaliyeed ee la hayb sooco. Waxaan maanta daawaday muuqaal aan aad iyo aad u saluugay ugana calool xumaaday. Muuqaalkaasi waxa laga duubay Mahdi Cismaan Buuri. Mahdi wuxuu raalligelin ka bixinayaa dareenkiisii runta ahaa ee ilmada ka keenay dhowaan isaga iyo kumanaanka kale ee Soomaaliyeed ee aan ka midka ahay. Waxa muuqata in xukuumadda Somaliland ee Mahdi ka tirsan yahay "magac ahaan" ay Mahdi ku dirqiday inuu oohintiisii iyo dareenkiisii runta ahaa ka bixiyo raalli gelin! Waxaan aad iyo aad ii dhibtay raalligelintaa Mahdi oo iila muuqatay mid madaxtooyada Somaliland laga soo maleegay. 


Madaxtooyada Somaliland waxa la gudboonaa inay wax ka qabato waxa Mahdi Cismaan iyo kumanaanka kun oohinta ka keenay ee meel walba laga daawaday. Waxa la gudboonayd inay wax ka qabato oohinta ay uur-kutaallada iyo murugada la deriska ah boqolaalka kun ee Mahdi ay haybta gabooye wadaagaan. Kuwaasoo habeen iyo maalin uurka ka ooyaya. Madaxtooyada Somaliland waxa la gudboonayd inay Mahdi wiilkiisa/gabadhiisa iyo carruuraha kale ee Gabooye u abuurto rajo ay ku tuuraan dulmiga qarniyada la soo kala dhax layey, ee ka dhanka ah beelaha la hayb sooco.


Gebagebadii: Ummadda Soomaaliyeed meel ay joogtaba dib ha isugu noqoto oo inta toobaddu furan tahay walaalahood iyo Eebbe weyneba cafis ha weydiistaan. Somaliland-na ha beddesho Aan ku addoonsadee ha ooyin, haddaad ooydana raalli gelin ka bixi".


Hoos ka daawo Oohintii Mahdi, raalli gelintii oohida, iyo maanso aan hore uga tiriyey dullinimada hayb sooca.


3)  DADNIMOOY-OOY - MAANSO AAN HORE U TIRIYEY. 

Maxamuud Ibrahim (Xaaji)
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...