Dalka Ma Ka Dhici Kartaa Laba Doorasho Oo Isku Sidkan?.

0
Wednesday August 26, 2020 - 09:33:22 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1563
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dalka Ma Ka Dhici Kartaa Laba Doorasho Oo Isku Sidkan?.

    W/Q: Mukhtaar Maxamed Muuse (Dawlad).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Mukhtaar Maxamed Muuse (Dawlad).
Waxa jira caqabado fara badan oo ku gedaaman kuna xayn-daaban qabsoomida doorashooyinka isku sidkan ee ay dhawaan ku heshiiyeen sadexda xisbi qaran in ay dalka ka dhacdo. Labadaa doorasho oo kala ah: doorashada golaha Wakiilada iyo midda golaha deegaanka.



Waxa aan aaminsan nahay in ay doorashadan tahay middii ugu adkayd abid ee ina soo marta. Waayo waxa ay kusoo beegan tay waqti kakan oo aad iyo aad u qalafsan, oo aanu dalku wali kasoo kaban kala aragti fogaanshihii doorashadii hore ee madaxwaynaha ee 2017 kii. Taas oo dalka iyo dadkaba ku reebtay diif iyo diihaal, aan wali helin dhaymo iyo dhaqid dawladnimo.


Haddaba haddii aan la galin  feker qoto dheer iyo dedaal dheeri ah oo ay ku ladhan tahay dulqaad iyo daacad-nimo: waxa meesha iman doonta khilaafaad iyo is qabqabsi dadwayne. Kaas oo ay abuuri karto nidaam laba doorasho oo isku sidkan oo aan hore dalka uga dhicin, aqoon iyo waayo aragnimo Wayna aan loo lahayn in hal mar la wada qabto laba doorasho oo muhiimad gaar ah iyo taxadir dheeri ah inooga baahan. 


Waxa aan la aragti ahay saaxiibkay Mubaarak Cabdi Ismaaciil, oo wax ka Qoray nidaamka labada doorasho ee isku sidkan ee Somaliland ka dhici doonta, haddii alle inoo suurtagaliyo'e. Si kastaba ha ahaatee waxa muhiim inoo wada ah in dalka ay doorasho ka qabsoonto, gaar ahaana goleyaasha sharciga iyo dhammaan ba matalayaasha kala duwan ee  shacabka Somaliland, si ay shacabku u helaan dadkii ku haboonaa adeeg bixinta dawladnimo.


Sidoo kalena waxa baahi wayn loo qabaa in dalka dhiig cusub lagu shubo, isla markaana la raac-deeyo dadkii ku haboonaa matalaadda shacabka iyo adeeg-siintooda. Si loogu sibir saaro dadka aan u qalmin goleyaasha dalka ee u tafaxaydan kursi aanu cilmigiisa iyo aqoontiisa toona lahayn. Si aynu meesha uga saarno dadka wax ma garatada ah ee usoo shaqo tagay matalaadda shacabka iyo adeeg bixinta ay xaqa u leeyihiin.


W/Q: Mukhtaar Maxamed Muuse (Dawlad).
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...