War Deg Deg Ah:-Ciyaartoyga Leo Messi Oo Kooxda Barcelona Ka Dalbaday In La Fasaxo Iyo War Uu Soo Saaray

0
Wednesday August 26, 2020 - 00:47:25 in News by
  • Visits: 1698
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:-Ciyaartoyga Leo Messi Oo Kooxda Barcelona Ka Dalbaday In La Fasaxo Iyo War Uu Soo Saaray

    War Deg Deg Ah:-Ciyaartoyga Leo Messi Oo Kooxda Barcelona Ka Dalbaday In La Fasaxo Iyo War Uu Soo Saaray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah:-Ciyaartoyga Leo Messi Oo Kooxda Barcelona Ka Dalbaday In La Fasaxo Iyo War Uu Soo Saaray


Xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi ayaa ku dhawaaqay go’aankii mustaqbalkiisa ee maalmahan ba laga sugayay, kaas oo maanta ay warbaahinta waddanka uu laacibkani kasoo jeedo ee Argentine ay sii shaacisay inuu miiska u saaran yahay.




Lionel Messi oo ay da’diisu tahay 33 jir, cimrigiisa ciyaareed oo dhanna kusoo qaatay Barcelona ayaa hadal aan la rumaysan karin oo argagax leh geliyey uu kasoo yeedhay, kaas oo jamaahiirta iyo maamulka kooxdaba niyad jab ku noqonaya.


Barcelona ayaa rajaynaysay in Lionel Messi uu sees u noqdo dibu-dhiska kooxda oo hore uu tababare Ronald Koeman afar ka mid ah ciyaartoyda waaweyn uu ku wargeliyey inuu fasaxo, laakiin kulan ay wada yeesheen macallinka iyo Messi toddobaadkii hore ayay kasoo baxday kala fogaansho weyn oo bannaanka keenay farqiga u dhexeeya labada dhinac.


Inkasta oo la sheegayo in intii uu socday kulankaasi uu tababare Ronald Koeman u hanjabay Lionel Messi oo hadallo aanu filayn uu ku yidhi, haddana kooxda iyo taageereyaasha midkoodna meesha may soo dhigin in go’aanka Messi laga sugayo uu noqon doono mid soo afjaraya waayihiisa ciyaareed ee Camp Nou.


Sida uu qoray wargeyska Marca, Lionel Messi waxa warqad uu ku daray FAX-ka uu ugu sheegay maamulka kooxda inay ka go’an tahay inuu ka tago kooxda inta aanu xidhmin suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagan lagu jiro.


Lionel Messi waxa uu qoraalkiisa ku caddeeyey inuu doonayo in kooxdu ay iska fasaxdo, isla markaana ay hirgeliso heshiiskoodii dhigayay inaan waxba lagu xidhin haddii uu go’aansado inuu iska baxo inta aanu bilaabmin xili ciyaareedkiisa ugu dambeeya, taas oo ah caqabad kale oo Barcelona ka hor istaagi karta inay iibiyaan, si xor ahna uu uga tegi karo.


Qodob ku jiray heshiiska ciyaartoygan ayaa waxa uu dhigayay inuu si xor ah uga tegi karo kooxda inta ka horreysa June 1, taas oo lasoo dhaafay muddo laba bilood iyo dheeraad ah, intaa wixii ka dambeeyeyna waxa hirgalaysay shuruud kale oo lagu xidhayo isaga iyo kooxaha doonayaba oo ah in qandaraaskiisa lagu burburin karo lacag 700 milyan oo Euro ah.


Kabtan Messi waxa uu ku sheegay in kooxdan uu wax walba oo karaankiisa ah usoo qabtay, haddana ay tahay in si ixtiraam leh loo fasaxo oo codsigiisa laga aqbalo.


Si kastaba, Barcelona ayay marka horeba ku adag tahay inay iibiso Lionel Messi maadaama aan la saadaalin karin sida ay mustaqbalka noqon doonto isaga la’aantii, waxaana kaga sii daran codsigiisa ah in si bilaash ah lagu fasaxo oo kooxda uu doono uu ku biiro iyadoo aanay Barcelona wax lacag ah ka helin bixitaankiisa.


 


Loading...
Loading...