Waxyigii Jacaylka. Q.3. W/Q: Cabdicasiis Maxamed "Warsame"

0
Tuesday August 25, 2020 - 19:12:08 in Articles by
  • Visits: 906
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxyigii Jacaylka. Q.3. W/Q: Cabdicasiis Maxamed "Warsame"

    Waxyigii Jacaylka. Q.3. W/Q: Cabdicasiis Maxamed "Warsame"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxyigii Jacaylka. Q.3. W/Q: Cabdicasiis Maxamed "Warsame"


Kaafiyi tagtay iyadoo aad u murugaysan kana xun meesha aan ku jiro, waan sii eegayay inta ay kadinka ka baxaysay, runtii daqiiqadaas waxkasta oo kale waan ilaaway oo aan Kaafiya ahayn, xitaa qudhmuunkii, siifaddii iyo mugudigii foosha xumaa ee qolkan aan ku xidhnahay dan kama lihi oo duni kale ayaa lay dheelmiyay.




Maskaxdayda iyo fikirkaygana iyadaa sidii maalin ciideed oo macsharkii salaadda la joogo ugu soo xaadirtay, oo ficiladeeda, gobonimadeeda, dareenkeeda fahmada weyn iyo kalgacalkeeda aan soohdinata lahayn baa sida togag rogmanaya sidaa ii hor hor qulqulaya oo aan qiimayntooda ku shuqlanahay kolna la ashqaraarsanahay, waxa saamayn weyn igu yeeshay geesinimada inantaa yar iyo kalsoonideeda wax la mid ahi aanu jirin.

Waxa aan sii xasuusnahay heeskii ay shalay ereyadiisa fariin ahaanta mobile ka iigaga soo dirtay ee Lafoole,

"Dugsi dhaxanta Celiyiyo
Dawaad aniga ii tahay
Adigoo dal dheer jiraan
Halkan kaa dareemaa.."

Runtii heeskaas oo aan ilaa maanta jecelahay waxa ay ahayd markii u horeysay ee aan maqlo, sidii maalintaas ay samaynta dareenkayga ugu yeelatay ayay ilaa iminkana xasuustayda samayn ugu leedahay heeskaasi.

Waxa aan ka fikiray heeskii aan anna u diri lahaa, waxaana igu soo xaadirtay heeska Hibo-Nuura ee
"Kalgacaylku waa qani
ka qaro weyn caashaqa
waana shay ku qaaliya qiimaynta aadmiga
Labada isu qalantana qalbigooda kama baxo.."

Habeenkii sidaas buu ku dhamaaday oo arroornimadii dambe ayaa meeshii na laga qaaday oo saldhiga dhexe ee Burco nala geeyay anigoon xalay oo dhan seexan oo xasuusta Kaafiya ku dhafarsanaa, hal kiina lix cisho ayaan ku xidhnayn oo nooga dhignayd lixdan sano aniga iyo kaafiya.


Kaafiyi intaa way ii timaadaa oo isoo eegtaa, maalin walbana waxa ay iga noqotaa iyadoo luudaysa werwer dartii, jeclaan lahaydaa in aan maanta noqoto maalintaan soo bixi lahaa, anna waxa xadhigan iyo meesha foosha xun igaga xanuun badan dareenka kaafiya oo aanan xamili karin kana xumahay runtii in aan sababta murugadeeda ahay. Waxay ahaayeen maalmo xanuun badan, waxa ay ahaayeen maalmo aniga iyo kaafiya xaalad adag na galiyay.

Waxa ay sidii ahaaataba maalintii dambe arrinkii iska dhamaa anna lay soo daa, judhiiba telifoonkii gacanta ayaan ka soo wacay una sheegay in aan soo baxay, iyadoo aan i jawaabin bay ilmo soo dhaaftay oo ay hililiqdaa gurtay, in aan aamusiiyo ku guulaystay oo ballanay in aan caawa isu nimaadno.


Waa shantii galabnimo saacaddu, xilligaas aan ka soo baxay saldhiigii dhawrka cisho aan ku xidhnaa kadib markii hawshaydii is afgrad iyo heshiis laga gaadhay. Waxa aan ka soo baxay meesha iyadoo dareenka jacayl ee aan kaafiyo u hayaa culayskiisa aan qaadi kari la' ahay, oo aad mooddo in buurta daalo dhalada la iga saaray, habeenadii aan meesha ku jirayna aan hurdo is daynay, waxa keliya ee igu soo noqnoqnayayna ahaa doonista aan u qabo ee aan qiyaasta lahayn, haddii la misaamana buuxin lahaa mugga cirka iyo dhulka dhexdiisa, si kastaba ha ahaatee soo bixitaankayga waxa ku lammaanaa in aay go'aan ku soo qaatay in aan u sheego in aan jeclahay oo doonayo iyo in nolol ay ila wadaagto jacaylku saldhig u yahay. Taas baan ka fekerayaa iminka halkii aan ka bilaabi lahaa, waxa i hareeraysay Cabsi aan xad lahayn waxa aan ka baqayaa in ay ila yaabto.



Xiligii balanta kolkii la gaadhay waan soo wacay kaafiya waxa aanan u sheegay in aan isugu nimaad dukaan weyn oo waxwalba haye ahaa oo labadayada guri kala badhi jiray, halkiin baan isugu nimi waxyar kadibba, kolkaan isa salaanay ee is gacan qaadnay is raacnay oo dukaan dabadiisa istaagnay, halkii cabbaar isku waraysanay iyadoo labadyadaba kalgacal aanu isu hayno ee naga muuqda uu daadkiisu qaadi lahaa cidda noo soo dhawaata, wax kale ma arkayno aan ahayn annaga, labadayda ayuun baa isu muuqda, waxa aanu isu sheegaynaa sida aanu isugu xiisanay oo waxa na gubaya kulaylka boholyowgii maalmihii aanan is arag, waxa uu ahaa habeen ka duwan habeennadii kale oo idil, intaa kadib meeshii baan ka dhaqaaqnay kolkii ay dhalinyaro buuqaysaa jawigii naga xumeeyee oo agtayda sheeko ku qabsadeen, waxa aanan tagnay sees xaafaddooda u dhawaa, halkii markii aan sidaa u fadhiisanay ee aan is idhi hadalkii bilow una sheeg in aad jeceshahay in aad xidhiidhkiina siisaan magaca lammaane isjecel, ee aan idhi kaafiya, ayay hadalkii iga hororsatay oo igu tidhi "Salmaan waxa aan doonayaa in aan wax kuu sheego" Anigii naxdin iyo farxad iyo baqdin baa mar igu kulmay, waxa mar keliya maskaxdayda ku soo xaadiray kun su'aalood oo ah tolow maxay kuu sheego iyo kun mawduuc, haddana dareenkaygu wuxu isa siiyay in ay ii sheegayso waxa aan anigu ba rabo in aan u sheego. Kadib baan idhi "haye Kaafiya ii sheeg walaal" kadib bay igu tidhi "haddaan kuu sheego miyaad i nacaysaa" Naxdin weyn baan dareemay oo anoo arkaya ayuu wadnuhu i balqay oo awooddaydii yaraatay kadib baan si aad u dabecsan ugu idhi" maxaad ku hadlaysaa Kaafiya? Waad ogtahay qiimaha aad agtayda ku leedahay iyo heerka adag ee xidhiidhkeena saaxiibtinimo marayo, siday ku odhan kartaa waxaas, afkaagana u soo marin kartaa"? Kaafiyi intaa kadib bay ilin buurburnida aad moodo dhagaxaan Buuraha shiikh ka soo daadanaya ayaa soo dhaaftay indhaheeda kulaylkana aad moodo Hanfigii berbera, aamusiiyay anoo intii leh ii sheeg waxa aad doonayso laakiin ha ooyin kaafiya, aamus ii sheeg, sidii ayaan ilaa saacad badhkeed ahayn ugu dambayntii tidhi "Salmaan waan ku jeclahay" Waan ku jecelahay oo waan ku jecelahay, runna ii sheeg oo ha is odhan saaxiibtinimadiina ilaali oo adiga oo aan jacaylkayga diyaar u ahayn ha igu odhan haa!" Daqiiqadaas baa nefis iigu horaysay oo warankii igu mudnaa la iga gooyay, oo aan caafimaaday, oo werwerkii iga baxay, intaa kadibna waxa aan ku guulaystay in aan aamusiiyo waxa aanan ku idhi Kaafiya anigoo u sheegaya in aanay waxba ka werwerin waxa ay ii sheegtayna yihiin dareen wanaagsan ayna tahay qofkii ugu mudnaa ee aan noloshayda barto waxa ay jeceshahay ee ay dareemaysaana uu yahay wax anigaba igu jira oo aan kala mid ahay, kuna bishaaraysato in wanaag iyo wax la qabasho mooyee aanay wax kale iga filan.

Intaa markii aan ku idhi ayay inta ay labada gacmood i qabatay oo farhayga faraheeda dhexgelisay igu tidhi "Salmaan iminka ha i jawaabin ee soo fikir waqtina soo qaado kadib igu soo jawaab celi"

Waxa ay ahayd habeenkii waxyiga jacaylku soo deggey afar sanno oo na loo diyaarinayay kadib.

Waa 27 March habeen khamiis ah oo uu subaxnimadiina roob caashaq da'ay.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...