Dawlada Soomaaliya Oo Shaacisay Natiijada Xog Ururin Ay Somaliland Qayb Ka Tahay+Sawiro

0
Tuesday August 25, 2020 - 18:26:35 in News by
  • Visits: 2558
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Soomaaliya Oo Shaacisay Natiijada Xog Ururin Ay Somaliland Qayb Ka Tahay+Sawiro

    Dawlada Soomaaliya Oo Shaacisay Natiijada Xog Ururin Ay Somaliland Qayb Ka Tahay+Sawiro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Soomaaliya Oo Shaacisay Natiijada Xog Ururin Ay Somaliland Qayb Ka Tahay+Sawiro


Muqdisho(HWN):-Wasaarada caafimaadka soomaaliya ayaa soo bandhigtay xog ururin ay ka samaysay guud ahaan dalka oo ku saabsan heerka nafaqada.


wasiirka caafimaadka soomaaliya marwo Foosiya Abuubakar ayaa warbaahinta u soo bandhigtay xogta ay samaysay dawlada soomaaliya, taas oo u dhignayd sidan:-



Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee DFS Iyadoo la kaashaneysa hay’ada ay wada shaqeyaan ee Soma;lai, Gaara ahaan UNICEF-Somalia, Waxaa sharaf Weyn u ah in ay soo saarto manta natiijada Sahanka xogta nafaqada soomaaliya oo dhammeystiran (The Somalia Micronutrient Survey 2019 results), Waxaa Xusid mudan in Soo gabagabeenta iyo ka guulgaarista qabashada sahanka nafaqada ay tahay guul inoo soo wadahoyatay dhamaanteena.

Sahankan Waxay ujeedadiisu ahayd in uu bixiyo sawir guud oo ku saabsan heerka nafaqada haweenka iyo caruurta Da’doodu kayar shanta sano. Waxaana sahankani lagu sameeyey 2,400 qooys oo ku kala nool; Somaliland, puntland, Jubaland, Galmudug, Hirshabele, koonfur-galbeed, Gobolka Benaadir iyo sidoo kale dadka barakacayaasha (IDPs) si loo ogaado heer kooda nafaqada.

Uruurinta xogta sahanka nafaqada lagu aruuriyay waxaa ka mid ah; xogtaqoyska (House Hold Data), xogta cabirka koritaanka jirka caruurta (Child Growth Monitoring) iyo; tilmaamayaal badan oo ay ka midyihiin: dhiiga, kaadida iyo saamiyada biyaha iyo Cusbada.

Natiijada sahanka nafaqada kasoo baxday waxaa lagu ogaaday:
• In kabadan 40% oo haween iyo caruur ah ay qabeen dhiig yari (Aneamia)
• 34% oo caruur ah ayaa qabay Vitamin A yari (Vitamin A deficiency)
• 11% oo haween ah ayaa qabay vitamin A yari ( Vitamin A deficiency)

Ayadoo laga Tixraacaayo natiijooyinka kasobaxay sahanka nafaqada ee soomaaliya 2019 Wasaarada caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee Soomaaliya waxay horseed u noqon doontaa dejinta siyaasadda iyo istraatiijiyadaha lagu yareyn doono heerka nafaqo yarida (malnutrition) sidoo kalena waxay kor uqaadi doontaa heerka nafaqada haweenka iyo caruurta shanta sano kayar iyo guud ahaanba dadweeynaha soomaaliyeed.

Ugudanbeyntii Wasaarad da caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee soomalaiya waxay ku boorineysaa dhamaan hay’adaha dowlada, Hay’adaaha UN ka, Kuwa Caalamiga ah, Ururada Maxaliaga ah, Ganacsadata, Shirkadaha gaarka looleeyahay, Iyo Kuwa Cilmibaarista, in ay u isticmaalaan natiijada sahanka nafaqada soomaaliya 2019 dhamaan barnaamijyada Hurmarinta nafaqada ee guuudahaan dalka .

Image may contain: ‎1 person, ‎text that says '‎Sa ש H.E c Fawziya Abikar Nur Minister of Health‎'‎‎
Image may contain: ‎3 people, ‎people standing, ‎text that says '‎unicef EAS SUMMARY MICRONUTRIENTS Unics SOMALI 2019 LAUNCHING SOMALI MICRONUTRIENT SURVEY 2019 RESULTS 25- AUGUST חרחה 2020 URVE 201‎'‎‎‎
Image may contain: text that says 'AAA MINISTRY F HEALTH & HUMAN SERVICE FEDERAL GOVERNMENT OF SOMALIA MINISTRY OF HEALTH & HUMAN SERVICE unicef DAAHFURKA NATIIJADA SAHANKA NAQADA ee SOOMAALIYA 2019 LAUNCHING OF SOMALIA SURVEY (SMS2019) RESULTS 25 August, 2020'
Image may contain: 1 person, text that says 'DAR MINISTRY OF HEALTH HUMAN SERVICE unicef LAUNCHING SOMALI MICRONUTRIENT SURVEY 2019 RESULTS

Loading...
Loading...