Faallo:-Saddex Sanno Kadib, Maxay Daaranayd Booqashaddii Muuse Biixi Ee KULMIYE?
Faallo:-Saddex Sanno Kadib, Maxay Daaranayd Booqashaddii Muuse Biixi Ee KULMIYE?

Hargeisa(HWN):-Muuse Biixi Cabdi ayaa booqday xarunta Xisbiga talada haya ee KULMIYE,kadib Saddex sanno oo uu ahaa hoggaamiyaha Somaliland, waxa uu xasuustay innuu yahay Guddoomiyaha Xisbigaas oo bisha Octobber-na qabsannaaya Shirweynihii 4aad ee lagu doorranaayay hoggaanka Xisbiga shanta Sano ee soo socda.

Booqashadda Muuse Biixi ee xarunta Xisbiga KULMIYE waxay xambaarsanayd dhawr arrimood oo ku talo-galkooddu ahaayeen kuwo qorshaysan oo uu xilligan ku soo beeggay Muuse Biixi, waxaannay ahayd tallaabo uu ujeedkooddu ahaa inay gudbiso farriimo siyaasaddeed oo sawir qurxoon ka bixin karra damaca iyo hunguriga mar kale uu Muuse Biixi ku doonnaayo innuu hoggaanka u sii hayo Xisbiga KULMIYE, taasoo ka dhigan innuu mar kalenna isku diyaarinnaayo Murashaxa Madaxweyne ee Xisbigaas, inkastoo ay jiraan Siyaasiyiin kale oo damac ka hayo Kursiga Guddoomiyenimo ee Xisbiga KULMIYE, kuwaasoo haddii ay hellaan Saaxad furan oo si Dimuqraadiya loogu tartami karro ay suurto-gal tahay in miisaankaagga siyaasaddu uu xaggooda u janjeedh-samo. Haa waa filasho wanaagsan oo is badal siyaasaddeed oo wayn furre u noqon lahayd, balse maaha hab-dhaqan siyaasaddeed oo KULMIYE lagu yaqaannay. Sidoo kalena, maaha arrin uu aqbali karro Muuse Biixi Cabdi oo aad ugu xeel-dheer Siyaasadda gacan maroojiska ku dhisan, isla markaanna xariif ku ah Siyaasadda gole ka fuulka ah ee uu dalka ku maamulo.
Waxay ahayd farriin uu u dirraayo Siyaasiyiinta uu damacu kaga jiro Kursiga Guddoomiyenimo ee uu ku fadhiyo Muuse Biixi, kaasoo aannu ogolayn in lagu tartamo sida Kurraasida kaleba loogu tartamaayo. Sidoo kale, Booqashadiisu waxay daaranayd innuu hubsaddo kalsoonida Guddida qaban-qaabadda oo uuu guddoomiye u yahay Cabdikariim Xinnif oo xilligan ah ruuxa ugu dhego-nugul ee kabbo qaadka u ah Muuse Biixi, kaasoo aad mooddo innuu wakhtigan la wareegay xitaa qayb ka mida shaqaddii Xoghayaha guud ee Xisbigaas, isla markaanna Muuse Biixi uu ka dhagaystay Warbixin guud oo uu Xaaladda Xisbiga iyo Xaruntaba ka siinnaayay.
Dadka falanqeeya Siyaasadda Somaliland waxay ku tilmaameen booqashaddii Xarunta KULMIYE ee Muuse Biixi talaabo is muujin ah oo uu isku tusaayo siyaasiyiinta Xisbigiisa ee uu damacu kaga jiro Kursiga guddoomiyenimo, hase yeeshee khuburradaas dhanka siyaasaddu waxay saaddaalinayaan inaanay suurto-gal ahayn in si dimuqraadiya loogu tartamo hoggaanka cusub ee Xisbgaas majaraha u qaban doonna haddii Alle idmo.
Si kastaba ha ahaatee, Xisbiga KULMIYE waxa ka jira loollan adag oo loogu jiro Kurraasta u sarraysa, waxaanna jira Siyaasiyiin badan oo Hunguri kaga jiro Hoggaaminta Xisbiga haddii ay fursad u hellaan tartan Xalaala oo dimuqraaddiya, iyaddoo ay Shirweynihii 4aad ee Xisbigaaas ay ka hadhsan tahay muddo bil iyo dhawr caanno-maal ah, waxaannay Shacbigu isha ku hayaan sida uu noqdo xaalka KULMIYE marka la gaadho shirweynaha.
Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland
Loading...
Loading...


0 





