Golaha Wakiilada Oo Ansixiyey Xeerka Kufsiga Iyo Qodobada Ugu Culus Ee Ku Jira
Hargeysa(HWN):-Golaha wakiilada somaliland ayaa maanta ansixiyey xeerka kufsiga oo ay mudooyinkii ugu dambeeyey ka doodayeen.
Fadhiga maanta ee golaha wakiilada somaliland ayaa yey xildhibaanadu ku meelmariyeen xeerka kufsiga oo mudo badan golahaasi horyaalay kuwaas oo cod aqlabiyad ah ku meel mariyey.
Dood dheer oo xildhibaanadu yeesheen ka dib gudoomiyaha golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax oo gudoominayey fadhiga ayaa qodob kasta oo ka mid ah xeerka kufsiga u cod u qaaday kuwaas oo xildhibaanada golahaasi aqlabiyad ku ansixiyeen.
Qodobada ugu culus ee ku jira xeerka kufsiga ee la ansixiyey ayaa waxa ka mid ah
Qodobka 5aad oo ka hadlaya kufsi wadareedka
Qodobka 6aad oo ka hadlaya fal dambiyeedyada khaniisnimada
Qodobka 7aad oo ka hadlaya ku tagri fal cid ama masuuliyad
Qodobka 8aad oo ka hadlaya ku fadeexadayn galmo qasab ah
Qodobka 9aad oo ka hadlaya xad gudubyada la xidhiidha sinada iyo kufsiga
Qodobka 10aad oo la xidhiidha ku qasbida galmada qof kale iyo ka ganacsiga galmada
Qodobka 11aad oo ka hadlayafarafaraynta galmada la xidhiidha
Qodobka 12aad oo ka hadlaya guur qasab ah
Qodobka 13aad oo ka hadlay u maandoorin galmo
Qodobka 14aad oo ka hadlaya u sixid ujeedo galmo
Qodobka 15aad oo ka hadlay galmo iyo xadhig sharci daro ah
Qodobka 16aad oo ka hadlaya isqaawin anshax daro ah
Qodobka 17aad oo ka hadlaya duubita, qaybinta, iyo baahinta muuqaalo xidhiidh la leh galmo ama sawiro qaawan.


0 





