Xafiiskii Raysal Wasaare Khayre Oo Wali Haawanaya Iyo Madaxweyne Farmaajo Oo Mudo Bil Ah Awoodi Waayey Magacaabista Masuulka Cusub
Xafiiskii Raysal Wasaare Khayre Oo Wali Haawanaya Iyo Madaxweyne Farmaajo Oo Mudo Bil Ah Awoodi Waayey Magacaabista Masuulka Cusub
Muqdisho(HWN):-Madaxweynaha dawlada federaalka ah ee soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa mudo bil ah ka dib xil ka qaadistii raysal wasaare Khayre waxa uu awoodi la yahay inuu soo magacaabi masuulkii qaban lahaa xilka raysal wasaaraha.
![]() |
madaxweyne Farmaajo oo kulamo wada tashiyo ah waday tan iyo wakhtigii ay baarlamaanku kalsoonida kala noqdeen raysal wasaare Khayre isaga oo ilaa hada aan ku guulaysan inuu soo magacaabo raysal wasaarihii soo dhisi lahaa xukuumada cusub.
Xisbiyada mucaaradka iyo qaar kamid ah dowlad goboleedyada Soomaaliya ayaa ku tilmaamay sababta madaxweynuhu usoo magacaabi la’yahay raysal wasaaraha, inay tahay ujeeddo siyaasadeed oo ku saabsan in madaxweynuhu meesha ka saaro kaalintii raysal wasaaraha ku lahaan lahaa xilliga kala guurka.
Soo magacaabid la’aanta raysal wasaaraha ayaa khilaaf ka dhex abuurtay shirka Dhuusomareeb3, oo aysan ka qeyb galin labo maamul goboleed oo miisaan ku leh siyaasada Soomaaliya, waxayna diidmadooda ku sababeyen maqnaashaha raysal wasaaraha.

Loading...
Loading...

0 