Fahanka-Liita, Madax-Adeega, Iyo Qalafsanaanta Caruurta Qaar Waxa Ay Salka Ku Heyso.

0
Tuesday August 25, 2020 - 11:06:37 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1156
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fahanka-Liita, Madax-Adeega, Iyo Qalafsanaanta Caruurta Qaar Waxa Ay Salka Ku Heyso.

    Wax yaabaha ay tahay bare/waalid in aan ka dhowrno dhamaan ilmaha inta ay ku jiraan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wax yaabaha ay tahay bare/waalid in aan ka dhowrno dhamaan ilmaha inta ay ku jiraan

 


Waxaan inteena badan u nahay marqaati nool ama aan usoo joognay kolkii aan waxbarashada heer dugsi ku jirnay, arday ahaa kuwa ugu liita fasalka hadeey noqoto xaga waxbarashada, fahanka, nadaafada iyo dhibcaha imtixaanka.

 

Arintaan oo hada noqotay arin siweyn usoo shaacbaxda waxa aan qoraalkaan hoose ku dhiraandhirin doonaa xariirka ay la leedahay caafimaadka, waxa afka qalaad lagu yiraah Poor School Perfomance, oo ah eray koobaya caalamadaha aan kor kusoo xusay waxa uu yahay tilmaam ama dige, waxa uuna yahay calaamada ugu horeeysa oo lagu garto dhibaatoyin (Disorders) cilado saameeya maskaxda caruurta. ilmaha saliimka ah, kolka aan leeyahay saliimka ah micnahu waa in uu ilmahu heysto daryeel wanaagsan kolka uu guriga joogo, cunto isku dhameystiran, caafimaad ahaana badqabo, waxa laga filanaayo ayaa ah in sida ilmaha ku da'da ah uu u dhaqmo, hadey noqoto dhanka dhibcaha ama natiijada imtixaanka, iyo dhanka waxqabadka.

 

Waxaa nus-qarnigii dambe horumarada uu insaanka xaqiijiyay ka mid ahaa kuwo laga gaaray ogaanshaha cuduro horay nooga daah-sonaa, waxaana dhanka caruurta soo shaac baxay inta badan cudurda la xariira badqab la'aanta maskaxda ( Mental disorders), kooxdaan waa cuduro dhamaantood la ogaado (diagnosed) sanadada ugu horeeya ee waxbarashada (School age), waana kolka ay ilmaha bilaabayaan in aysoo dhex galaan bulshada, wax-aqriyaan, isku dayaan in ay fikirkooda ama aragti cabiraan, aragtidooda dhiibtaan, taxadiyo (challenge) loolan si dhab ah u wajahaan, arimahaan oo idil waxa ay daboolka ka qaadayaan ciladaha ama heerka badqabka maskaxda caruurta.

 

Fahamka ardayga oo liita, waxaa ugu horeeya ee sababa oo culimada culuumta nafsiga Psychology isku waa faqsanyihiin waa IQ ga (xadiga Caqliga) oo liita {WAA HADII ILMAHA UU JIR IYO MASKAXIYAN UU BADQABO} Haddaba sababaha arintaa dhaliso waxaa ugu horeeya dhib ka jira bulshada uu ilmahaas ku dhex nool yahay sida waalidka oo kala taga ( ama aanan isku wanaagsaneyn) kuwaas oo sababa in ilmaha daryeelkii uu u baahna uusan helin ( Child Neglect), aragti ahaan teeyda aniga oo ku dhisaya mudada dheer ee aan ku dhexjiro majaalka Cudurada Caruuta waxa ugu weyn ee ilmaha qaar sababo in ay ka liitaan kuwa ku loodka ( isku da;da) ah waa labo ciladood, tan kowaad qaab dhismeedka reereydka dalkeena iyada oo inta badan waalidiinta dalkeena ay u badan yihiin kuwo aanan wax ka baran dhanka tacliinta maadiga, arintaan waxa ay gogol xaar u noqotaa in ardayga uu heli waayo dhiiranaan iyo cid uu ku daydo, waxaa marag ah kolka uu ilmaha kasoo kaco guri labada waalid ay yihiin kuwo tacliin leh in uu heysto dad ka caawiya layliyada, ugu celiya duruusta, fahansan waxa uu ilmahaas u baahan yahay (EDUCATION/TEACHING TOOLS).

 

Sabata labaad waa mid la xariirta nafaqa daro, hadii aan xagal kale kaa tuso aqriste waxa ay arintaan salka ku heysaa, badqabka maskaxda, maskaxda insaanka kolka ay koriimada dhabta ah ku jirta waa fatrada u dhaxeysa kolka ilmaha uu aduunka yimaado ilaa inta qaangaarka, koriinkaan waxa uu isugu jiraa mid maskaxda qeybaheeda kala duwan ee dhismaha la kobcinaayo iyo mid caqli ahaan koreysa, haddaba ilmaha in uu fatradaas helo, cunto dheeli tiran, misaaman waxa ay kaalin baaxad leh ka ciyaareysaa IQ ilmaha. (xadiga Caqliga)

 

Nasiibxumo, waxaa jiro cuduro saameeya maskaxda ilmaha midaas oo ka dhigta maskaxda ilmaha mid si gaabis ah koriinkeedu u dhaco, cuduradaan waxa ay isugu jiraan kuwo la iska dhaxlo (Congenital), syndromes, iyo kuwo fadhiid ku dhaca maskaxda guud ahaan ama qeybo kamid ah ( Cerebral Palsy) ay sababaan, dalkeena wali ma aanan arkin cid cuduradaas laga sheegay, arintaan waxa ay sii cusleyneysaa xaalka, oo in aanan la ogaan ciladaas waxa ay daahineysaa badbaadintii uu u baahna ilmaha.

 

Wax yaabaha ay tahay bare/waalid in aan ka dhowrno dhamaan ilmaha inta ay ku jiraan marxalada daraasada si aan uga qeybqaadano kobcinta maskaxdooda iyo awoodooda waa in kolka ay si qaldan jawaab uga bixiyaan su'aalaha aad weydiisay aadan caroonin ku hadaaqin hadalo dhaawacaya maskaxda caruurta sababtoo waxa ay ku dhageysaa maskaxdiisa wuuna aminaa si fudud, taa badalkeeda adeegso erayadaan sida, WAA DADAASAHAY, MASKAXDAADA WAA SHAQEYNEE, ISKUDAY WANAAGSAN AYAAD SAMEESAY, oo ka dalab ardayda kale in ay u sacbiyaan waa hubaal in arintaan ay dhisi doonto kalsoonida uu ilmaha ku qabo nafsadiisa.

 

Gunaanadkii Tarbiyeynta ilmaha waa Howl adag, waana kula qabaa aqriste, laakiin xasuusnoow bare ama macalin ama waalid in aad ilmaha ula dhaqantid si wanaagsan oo aadan yasin, u noqotid tageere, waxaana ay hubaashi keeni doontaa hadii sidaa caruurta loola dhaqmo in aan soo saarno jiil Maskaxdiisa iyo jidhkiisu badqabaan, leh aragtiyo iyo yool fog, la tartama kuwa ku da'da ah ee dunida dhaqaaqday( Horumartay).



 

 

Qalinkii: Dr Mustafa Ali Moalim Mohamed

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...