Wax walba waan diidnay! Qalinkii Abdulahi Nur Colombo

0
Tuesday August 25, 2020 - 10:59:25 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1377
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wax walba waan diidnay! Qalinkii Abdulahi Nur Colombo

    Waxaanu nahay ummad inteeda badan diiday in ay heshiiso,is ogolaato, mideysnaato

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaanu nahay ummad inteeda badan diiday in ay heshiiso,is ogolaato, mideysnaato
Image may contain: 1 person

 

Waxaanu nahay ummad dalkeedu sodon sano uu bur bursan yahay dhinac walba u jabtay oo dadkeedu is dilay, is dhacay misana diidan in ay qirato fashilkaas inaan inagu masuuliyadiisu leenahay.

 

Waxaanu nahay ummad Diin ahaan,Dhaqan ahaan,Aqlaaq ahaan iyo Qiyam ahaan u bur burtay, misana warmoog ka ah.

 

Waxaanu nahay ummad inteeda badan diiday in ay heshiiso,is ogolaato, mideysnaato dalkooda aamina oo dibna u dhista.

 

Waxaanu nahay ummad inteeda badan runta neceb oo beenta iyo faanka jecel.

 

Waxaanu nahay ummad sodonkii sano ee la soo dhaafay hogaamiye kasta oo la doorto mucaarada oo diida in lala shaqeeyo.

 

Waxaanu nahay ummad inteeda badan wax walba dhinaca xun ka eegta oo wanaaga iyo kheyrka iska diida.

 

Waxaanu nahay ummad beesha caalamka ku eedeeya in ay fara gelin nagu hayso misana mar kasta u qeyla dhaamiya oo yiraahada naga soo gaara.

 

Waxaanu nahay ummad inteeda badan qofkii Soomaalinimo, Midnimo,walaalnimo iyo kheyr ugu yeera iska diida oo dhegaha ka fureysta.

 

Waxaanu nahay ummad inteeda badan iyadoo og in Qabyaaladu ay ku jabtay misana dabada haysa oo ka hari la'a.

 

Waxaanu nahay ummad inteeda badan reer walba siyaasigeeda gar iyo gardaro garab istaaga oo aan laga taaban karin.

 

Waxaanu nahay ummad in ay is maqasho oo isu tanaasusho iska diiday.

 

Waxaanu nahay ummad madaxdeedu danta guud in ay ka shaqeeyaan ay kala muhiimsan tahay dantooda gaarka ah in ay ka shaqeeyaan isla markaana aan ka daalin.

 

Waxaanu nahay ummad in ay isu taliso diiday in loo taliyana diiday.

 

Waxaanu nahay ummad musuq maasuqu uu dilooday inteena badan in aan si dhab ahna aan ula dagaalano iska diiday.

 

Waxaanu nahay ummad dulmiga iyo xad gudubka inteena badan uu ku badan yahay in ay cadaalada ka shaqeeyaana iska diiday.

 

Waxaanu nahay ummad inteeda badan qofkii runta sheega la yaaba kii beenta shaqo ka dhigta dhagaysta oo u sacab tumaya.

 

Guud ahaan walaal hadii intaas oo dhibaato ah ay isugu kaaya biireen xaqiiqooyin ina horyaalana ay yahiin inaan wax ka qabano ummad ahaana inteena badan aanu diidnay oo madaxeenu dhinac uu u xiirmo la garan la'yahay maxaynu rabnaa weeyaan su'aasha la is weeydiin karo Soomaaliduse xagee u socotaa ?

 

Ummaddu hadii ay wax diido waa in la gartaa waxa ay rabto.





Qalinkii Abdulahi Nur Colombo
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...