Ciidamo Lagu kordhisay Baraha Koontorool ee lagu hubiyo Gaadiidka Magaalada Muqdisho

0
Monday August 24, 2020 - 14:22:18 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 1171
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo Lagu kordhisay Baraha Koontorool ee lagu hubiyo Gaadiidka Magaalada Muqdisho

    Xubno uu horkacayo Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Gaashaanle

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xubno uu horkacayo Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Gaashaanle




Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa Baraha Hubinta Gaadiidka ee Magaalada waxaa ay weli ka wadaan baaritaano lagu xoojinayo Ammaanka Caasimadda oo maalmihii la soo dhaafay ay ka dhacayeen falal Amni darro.

 

Ciidamada ayaa howlaha baaritaanada iyo hubinta Gaadiidka waxaa ay ka wadaan wadada dheer ee Maka Almukarama, halkaas oo gaadiidka ugu badan ee Muqdisho ay isticmaalaan, waxaana ay baaritaan ku sameynayaan Gaadiidka yar yar ee loo yaqaano nooca raaxada.

Xubno uu horkacayo Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Maxamuud Jeego ayaa tegay Baraha kontorool Ciidamada baaritaanada ka wadeen ee kala ah, Isgoyska Banaadir, Taleex, wadada Shaqaalaha, Dabka, Baar Ayaan, albaraka iyo Goobo kale.

 

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali ayaa sheegay in Ciidamada qorshahooda uu yahay sugida Amniga,isla markaana kormeerka Saraakiisha uu ahaa mid lagu hubinayay wadashaqeynta Ciidamada & Shacabka.

 

Inta badan Isgoysyada ku yaalla Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa ku sugan Ciidamo Boolis ah oo hubinaya Gaadiidka maray halka wadooyinka Xaafadaha dhagxaan lagu jaray, hayeeshee weli qaraxyo & weeraro ay ka dhacayaan Magaalada Muqdisho.


Loading...
Loading...