Faallo:-Xukuumaddu Waxay ku Fashilantay Ka Fal-celinta Darreenka Bulshadda!

0
Sunday August 23, 2020 - 17:02:29 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1084
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faallo:-Xukuumaddu Waxay ku Fashilantay Ka Fal-celinta Darreenka Bulshadda!

    Faallo:-Xukuumaddu Waxay ku Fashilantay Ka Fal-celinta Darreenka Bulshadda!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faallo:-Xukuumaddu Waxay ku Fashilantay Ka Fal-celinta Darreenka Bulshadda!

Hargeisa(HWN):-Hoggaamiyaha dhabta ah rabbitaanka bulshadda ku yimaadda, isla markaanna rabbitaanka bulshadda tix--gelinta siiyaa waxa uu markasta si togan uga fal celiyaa darreenka bulshadda, isagoo isha ku haya waxyaabaha ay bulshaddiisu ka cabanayso ama ay diiddan tahay.
Ganacsade Boore Iyo Musharraxa KULMIYE Muuse Biixi Oo Kulan ...


Bishii la soo dhaafay iyo bishan aynu ku jirno Bulshadda ku dhaqan Caasimadda Hargeisa, gaar ahaan Degmooyinka Axmed Dhagax iyo 31-May waxay Cabasho ka muujinayeen laba arrimood oo kala ah

1-Korontadda oo qiimaheeddu sarreeyo, isla markaanna gaadhay qiimo aad ugu adag shacbiga ku nool deegaankaas.

2-Korontadda SOMPOER oo si kooto ah deegaankaas aan u golayn inay Shirkaddaha kale ee korontada bixiyaa kula tartamaan degmooyinkaas, taasoo ah arrin aan Distoorka dalku banayn oo sharci-darro ah.

Haddaba, Shacbiga ku dhaqan Caasimadda Hargeisa waxay dalbanayaan in Xukuumaddu ay u hoggaansanto Sharciga iyo Qawaaniinta suuqa xorta ah, isla markaanna qiimaha korontadda hoos loo dhigo, maaddaama ay ku adag tahay dadka danyarta ah.

Hase-yeeshee Xukuumadda uu hoggaamiyo Muuse Biiixi Cabdi ayaan ka hadal cabashadda soo noqnoqotay Shacbiga ku dhaqan Caasimadda Hargeisa, taasoo aan dan iyo heello aan ka lahayn tabashadda dadweynaha ay Masuulka ka yihiin, iyaddoo ay Xukuumaddu horeba u iibisay Shirkaddii korontadda bixin jirtay ee dawladdu gacanta ku haysay,isla markaanna Xukuumadda Muuse Biixi aannay dib u soo celin adeeggaas bulshaddu u baahnayn.

Si kastaba ha ahaatee, Shacabka deegaankaas waxa la gudboon inay iska dhiciyaan Shirkadda dhiig-miiratadda ah ee SOMPOWER, isla markaanna ay soo gashaddaan Shirkaddaha kale ee bixiya adeegga Korontadda ee qiimahooddu ka jaban yahay, Xukuumadduna waa inay tix-gelin siisaa rabbitaanka bulshaddii dooratay ee ay Kalsoonidooda ku fadhiyaan Kurraasta.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...