Dawlada Itoobiya Oo Soo Bandhigtay Qorshe Ay Ku Wajahayso Dekedaha Ay Isticmaasho

0
Sunday August 23, 2020 - 15:57:44 in News by
  • Visits: 2806
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Itoobiya Oo Soo Bandhigtay Qorshe Ay Ku Wajahayso Dekedaha Ay Isticmaasho

    Dawlada Itoobiya Oo Soo Bandhigtay Qorshe Ay Ku Wajahayso Dekedaha Ay Isticmaasho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Itoobiya Oo Soo Bandhigtay Qorshe Ay Ku Wajahayso Dekedaha Ay Isticmaasho


Hargeysa(HWN):-Dawladda Federaalka Itoobiya ayaa sheegtay inay kordhinayso Tirada Dekedaha ay Isticmaasho, maaddaama oo Itoobiya tahay dal dhul ahaan ballaadhan oo aan lahayn Deked.




Maareeyaha Dekedaha ee Dawladda Itoobiya Makonan Abarra ayaa sheegay inay Dawlad ahaan heshiis isticmaalka Dekedaha kula jiraan Suudaan, Jabuuti iyo Somaliland, balse ay aanay Dekedahaasi ku filayn, sidaasi darteed ay qorsheeyeen inay isticmaalaan Dekedaha dalalka Kenya iyo Eriteriya, iyadoo laga duulayo sidii loo yarayn lahaa kharashaadka Itoobiya kaga baxa Rarka Alaabooyinka uga soo dega Dekedaha dalalka la deriska ah ee Somaliland ka mid tahay.


 

"Maaddaama oo dalkeenu ballaadhan yahay waxa muhiim ah in la adeegsado Dekedo badan oo wax lagala soo dego, waxaana la daraaseynayaa dhinacyada ugu habboon ee laga hirgelin karo Dekeddahaasi, Tusaale ahaan dhinaca galbeed, Koonfurtana tee ku habboon, sidoo kale badhtamaha Dalka iyo bariga tee ku habboon, markaynu sidaa leeyahay waxa laga duulayaa Mastaafada (Gaadiidka) Koontiinnarada sida, mid kasta goobtee laga soo gelin karaa, markaana waxa la xadidayaa kharashaadkii ku bixi jiray dib u rarka.” Ayuu yidhi, Maareeyaha Dekedaha ee Dawladda Itoobiya Makona Abara, waxaanu intaa ku daray "Illaa hadda Dekedaha aanu heshiiska la saxeexanay waxa ka mid ah ta Dalka Jabuuti, Suudaan iyo Somaliland, Kenya iyo Eriteriyana imika ayaa la qorshaynayaa, waxaanu qorshaynay inaanu ka faa’idaysano Dekedaha dalalka Deriska ah, iyadoo laga duulayo meel kasta goobta ku habboon ee alaabta laga soo gelin karo iyo alaabooyinka dalkeenu dhoofiyo goobta ugu habboon ee laga dhoofin karo..”

Maareeyuhu waxa kale oo uu sheegay in Adeegsiga hal Deked uu meesha ka saarayo Tartanka ka faa’idaysiga Dekedaha, hase-ahaatee adeegsiga Dekedaha badani uu abuurayo tartan.

Loading...
Loading...