Eeddayntaa Barkhad Batuunna mid qabata maaha Macalinkiisa …

0
Sunday August 23, 2020 - 11:05:04 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1629
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Eeddayntaa Barkhad Batuunna mid qabata maaha Macalinkiisa …

    Maxamed Fuaad Dhaga-cadde

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxamed Fuaad Dhaga-cadde

 

Macalin #Sheekh_Cali_Sheekh_Cabdi_Guulleed oo macalinkaygii ahaa muddo 4-sano ah, kama suurtowdo, mana aha macalin ay afkiisa kasoo bixi karto hadalada naxliga ah ee uu ka sheegay #Barkhad_Batuun, waxaan marag gashanayaa dhammaan ardaydii aannu isku fasalka ahayn, wuxuu ahaa macalin ay ardaydu maalin kasta iyagoo wada qoslayso kasoo baxdo xiisaddiisa, wuxuu ahaa macalin kaftan badan oo ardaydu iskugu mid tahay, wuxuu ahaa macalin waayo arag ah oo in badan wax soo dhigayay, waa ruug caddaa sharciga iyo arrimaha shareecada ah, waanna shakhsiyaadka magacoodu ku xusan yahay, waxna ka qoray Dastuurka dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waa culimadii kasoo baxday #Jaamacatul_Azhar, nin hadal cunsuriyad iyo gaf ku ah beel dhan arday la hor imanaya maaha, mid hore looga bartayna ma ahayn.

 

Macalin Sheekh Cali muddo imika wuxuu ku xanuunsanayaa magaalada #Hargeysa oo waxa uu noqday dhul yaal, waxaanna ardaydii uu wax soo baray oo uu ka mid yahay Barkhad ku waajib ah in ay u duceeyaan oo ay soo booqdaan macalinkooda.

 

Eeddayntaa Barkhad Batuunna mid qabata maaha runtii, mid macalinka looga bartayna ma aha, kaligiina wax umuu dhigi jirine boqolaal arday ah ayaa fadhiday fasalka, haddii uu walaalkeen ku adkaysanayo hadalkaa iyo jiritaankiisa waxaa la gudboon in uu is baraxo oo ardaydii fasalka la fadhiday qaybo ka mid ah marag gashado haddii kale se Barkhad waxa uu u muuqanayaa mid caayaya guud ahaan jaamacadda Hargeysa oo isaga laftiisuba macalin ka yahay iyo kuliyadda Sharciga oo uu sheegay in ay arrintu ka dhacday, gaar ahaanna wuxuu ku gefay Macalin Sheekh Cali, ardaydii fasalkaa dhiganaysay sanadkaasna waxa uu meel uga dhacay caqligooda iyo damiirkooda. Ugu danbayn waxaan usoo jeedinayaa Barkhad oo ah bashar qalad ka dhici karo inuu saxo hadalkaas, raalligelin ka bixiyo. Wabilaahi tawfiiq.

 

"Macalinku wuxuu u dhawaaday inuu noqdo rasuul."

 

Maxamed Fuaad Dhaga-cadde

Arday Ka Baxay Kuliyadda Sharciga Jaamacadda Hargeysa.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...