Abaal-Marinta Daacaddnimada!

0
Sunday August 23, 2020 - 10:16:54 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 810
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Abaal-Marinta Daacaddnimada!

    "Kuwii inaga horeeyay way beereen inaguna waynu goosanay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Kuwii inaga horeeyay way beereen inaguna waynu goosanay"

Boqoradii hore mid ka ah ayaa maalin soo dhex-maray dadkiisa, isagoo uu ballan-qaaday qofkii uu ka helo kelmad wanaaggsan inuu siin doono abaal-marin 400 Diinar. Sidii u wareegyay markii danbe wuxuu la kulmay Oday 90 jir ah oo beeraya Geed Saytuun ah.

 

Boqorkii ayaa ku yidhi maxaad u beeraysaa Geedkan adigoo da’dan ah oo isuguna uu ku baxo 20 Sanno, geeridii ayaaba ku haysee? Odaygii ayaa intuu qoslay ku yidhi, "Kuwii inaga horeeyay way beereen inaguna waynu goosanay, markaa inaguna way beeraynaa si ay u goostaan kuwa soo socda”.

 

 

.Boqorkii aya hadalkii aad uga helay, waxaanna uu ku yidhi "Kelmad wanaagsan ayaad tidhi waxaana ku siinayaa abaal marin 400 diinaar ah. Odaygii ayaa dhoola cadeeyay. Boqorkii ayaa weydiiyay maxaad u dhoola cadaynaysaa?

 

Odaygii ayaa ku jawaabay "Geedka Sayntuunku 20 Sanno ayuu ku dhalaa aniguna kaygii imika ayuu ii dhalay”. Sidaasi ayuu wanaagga la sameeyo markiiba u leeyahay abaal-marin dhakhso ah.

 

Khalid King


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...