Ma Gabadha Mise SHabeelka ?

0
Sunday August 23, 2020 - 10:07:57 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1012
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma Gabadha Mise SHabeelka ?

    Qoraa: Maxamed Faarax Qoti

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qoraa: Maxamed Faarax Qoti

 

(Sheekadan waxa aan ka soo xigtay buug uu qoray nin la odhan jiray Frank Stockton sannadkii 1882-kii, kaasoo ahaa qoraa u dhashay dalka Maraykanka, ka dib, markii aan arkay loolankii siyaasaddeed ee lagu caydhsanayey wakhtigii Madaxweynaha Hadda talada Dalka haya Mudane, Muuse Biixi Cabdi uu ku dhawaaqay in uu u taagan musharaxa Madaxweynaha xisbiga Kulmiye taariikhdu markay ahayd 06/Oct/2015. )

 

Wakhti hore oo la soo dhaafay waxa jiray Boqor ka mid ahaa boqoradii hore ee aduunka ku noolaa, uguna awooda baddnaa, boqorku wuxuu lahaa fikrado badan oo uu ku soo kordhiyey xeerarkii iyo sharciyadii u dajisnayd ee wakhtigaasi la isku xukumi jiray, Inkastoo ay ahaayeen fikrado horumarineed oo wanaagsan oo midho dhal lahaa, haddana fikradihiisa qaarbaa dadka ku keeni jiray xanuun, mid ka mid ah fikradaha boqorkaasi waxay ahayd in goob fagaare ah, ay ku soo bandhigaan wakiiladiisu carwada sooyaalka cadaaladda, oo lagu abaal-marin jiray ciqaabta eedaysanaha qiran waaya danbiga lagu soo eedeeyey iyo kuwa daacada ah ee lagu eedeeyey danbiyo aanay galin, ay kaga go’aan qaadan jireen hadba natiijada wixii ugaga soo baxa nasiibkooda, inkastoo dadka qaar ay ka soo horjeedeen fikradaas, diidanaayeena in dadka gacmahooda lagu ciqaab marriyo, haddana waxa fagaarahaasi si wadajir ah u iman jiray dhamaan dadka oo dhan.

 

Waxa Boqorku munaasabadaas, ku soo fadhiisan jiray meel sare oo loo dhigay kursi loogu tallo-galay, waxa kale oo astaan u ahayd amarada uu bixiyo inuu iska furmo albaab ka hooseeya goobta uu fadhiyo, ka soo horjeedkiisana waxa ku soo beegnaa laba Albaab oo isku eekaa, oo kala durugsanaa, dhinaca ku began hoostiisana waxa ay ahayd sidaas oo kale, waxa kale, oo ku yaalay labada dhinacna, laba albaab oo isku eeg oo kala durugsanaa.

 

Marka eedeysanaha la hor keeno fagaaraha carwadda sooyaalka cadaalada, waxa la kala dooran siin jiray, inuu furto mid ka mid ah albaabada ku yaalay garoonkaasi ee uu raalida ka yahay wixii ugaga soo baxa, haddii uu diido inuu talaabsadana, waxa kaxeyn jiray qof ka mid ahaa maxkamadaasi, isla- markaana hor-geyn jiray albaabadaas, inuu furto mid ka mid ah, oo uu raali ka yahay, ka dibna eedaysanahaasi waxa ugu soo bixi-jiray shabeel aad u gaajaysan oo horror ah, isla-markiiba si dhakhso ah intuu ugu soo boodo ayuu goosan jiray, taasina waxay ahayd mid-ciqaab loogaga dhigi jiray xad-gudub-koodii, qaraarkan wuxuu ahaa mid lagu fuliyo, kuwa lagu tuhunsan yahay danbiga lagu soo eedeeyey, sidoo kalena waxa baxa dhawaaqa murugada dawanka birta ah ee dareenka qiirada leh ee keena ilmada badan, wakhtiyada dal-dalaada ee dadka xadhiga qoorta loo galiyo.

 

Waxa ay ka mid ahayd dariiqooyinka hoyga aakhiro loo marro, taasoo, dadka qiireysanina ay aad u weynayn jireen, una xurmeyn jireen in ay arrintaasi tahay dariiqada dhimashada cadaaladda dhalin iyo waayeelba, laakiinse, haddii uu eeday-sanahaasi uu furro mid ka mid ah albaabka uu doortay, waxa ugaga soo bixi-jiray gabadh aad u qurux-badan, isla-markiiba, waxa xoog ku kaxeyn jiray haween oo u geyn jiray gabadhaas, ka dibna si deg-deg ah ayaa loogu meherin jiray, taasina waxay ahayd mid lagu sharfayo kuwa daacadda ah ee aan wax-ba galabsanin, may ahayn tanni mid mushkilad ku keenta, waa haddiiba uu leeyahay Oori amaba qoys kaleba, gabadhan cusubna in uu mid kale oo danbe la guursan doonana Boqorku arritaasi ogolaansho kumuu xidhi-jirin, ma’naanu fara-galin jirin wixii ka baxsan ciqaabta abaal-marinteeda ee la ogol yahay mooyaane.

 

Xigasho: Sheekadan waxa aan ka soo xigtay buug uu qoray nin la odhan jiray Frank Stockton sannadkii 1882-kii, kaasoo ahaa qoraa u dhashay dalka Maraykanka.

 

Qoraa: Maxamed Faarax Qoti


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...