La-jaan-qaad, Geedi-Socodka Hayaanka Guusha ee Xisbiga Kulmiye, W/Q:- Cabdixakiin Rays
1. Madaxweynaha Qaranka Mudane Muuse Biixi Cabdi, ahna Gudoomiyaha Xisbiga
Hogaanka Sarre ee Xisbiga Kulmiye, haatan hogaaminayaa, waa haldoor
xula oo waqti-xaadirkan lagu jiro ku haboon hogaaminta dalka iyo guud
ahaan qarankaba, waa hogaan waayo arag ah oo u bisil badweynta
siyaasadeed ee guud ahaan dunida gaar ahaan geeska iyo gayigeena
Somaliland-ba, sidoo kale waa team isla-jaan-qaaday oo hadeer si fiican
iskula haysta majaraha iyo hab-maamulka xisbiga iyo xukuumadaba.
Sidoo kale waa hogaan u bisil inay hanaanka dimuqraadiga ah ku
hogaamiyaan xisbiga Kulmiye iyo guud ahaan dalkaba, waxaana cadayn
marag-madoona u ah, diyaarinta qabsoomida Shirweynaha Xisbiga ee lagu
dhawaaqay in 04 Oct 2020 oo wakhti yari inaga xigo ka qabsoomo caasimada
Hargeysa, kaasi qaban-qaabadiisu haatan ka socoto dalka, halkaasi oo ay
cadeeyeen in cidii han siyaasadeed oo hogaaminta xisbiga Kulmiye, lihi
ay kaga loolanto, uguna tartanto sida ugu haboon. Hadaba maalmahan waxa
baraha bulshada lagu arkeeyey shaqsiyaad warar aan sal iyo raad lahayn
la wareegaaya, oo borobogaando iyo been abuur ka faafinaaya hogaanka
Xisbiga.
Hadaba, xubnaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye, ayey u taalaa cida ay
u dooranayaan markale inay sii hogaamiyaan talada xisbiga, taasi oo si
daah-furan codka loogu tartami-doono shir-weynaha Xisbiga ee 4 Oct 2020
lagu dhawaaqay, halkaasi oo looga baahan yahay in uu ku loolamo ninkii
han leh re u heelan hogaaminta xisbiga, hungurina kaga jiro.
Xisbiga hada waxa hogaamiya oo hagaaya rag xul ah oo xisbiyahana una bisil siyaasada kuwaasi oo ay hormood u yihiin.
1. Madaxweynaha Qaranka Mudane Muuse Biixi Cabdi, ahna Gudoomiyaha Xisbiga
2. Wasiirka Arimaha Gudaha Md. Maxamed Kaahin Axmed, ahna Gudoomiye Kuxigeenka 1'aad ee Xisbiga
3. Md. Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi Dheere) oo ah Gudoomiye
Ku-xigeenka 2'aad ee Xisbiga, isla markaasina ah hogaamiye fir-fircoon
oo haatan u darban dardar-galinta hawlaha iyo hogaaminta Xisbiga. Iyo
sidoo kale haldoor iyo siyaasiyiin kale oo culayskooda leh oo doorkooda
hogaamineed ka qaata, hogaaminta xisbiga iyo qarankaba.
Guntii iyo gaba-gabadii, ninka geedi-socodka hayaanka siyaasadeed
ee xisbiga la jaan-qaadi kari-waayaa, waxa u furan inuu halka uu
maraayo kaga dego hayaanka turxaan li'i, balse ma haboona xanaf iyo
xag-xago uu la daba ordo hogaanka Xisbiga
Alla Mahad leh
Qainkii: Cabdixakiin Rays
Email:[email protected]
Qainkii: Cabdixakiin Rays
Email:[email protected]
Hargeysa/Somaliland
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...