'' La Soco Aduunka , Khuboradii Amniga Oo Kasoo Horjeestay Trump ''.

0
Sunday August 23, 2020 - 09:32:04 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 815
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' La Soco Aduunka , Khuboradii Amniga Oo Kasoo Horjeestay Trump ''.

    W/Q: Ahmed Nour Guruje

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ahmed Nour Guruje

73 ka mida saraakiishii horre ee haayadaha amniga Qaranka Maraykanka oo ay ku jiraan Agaasiimihii horre ee haayadaha CIA IYO FBI William webstar , madaxi horre ee CIA iyo Kulanka guud ee amniga Qaranka Micheal Hayden iyo khuboro badan oo ka soo shaqeeyay haayadahan ilaa waagii Ronold Raygan ayaa jimcihii ku soo saaray baaq ay ku cadeeyeen in Trump aanu lahayn akhlaaq iyo karti uu ku hanto madaxwayne nimadda Maraykanka , sidaa darteedna ay soo jeedinayaan in aan dib loo dooranin .

 

73 Sarkaal oo ahaa khuboro u janjeedha dhinaca xisbiga Jamuurigga ee taladda haya , lana soo shaqeeyey madaxwaynayaashii jamuurigga ee Buushkii waynaa , Bushkii yaraa iyo Raygan ayaa sheegay in Trump ku fashilmay hogaaminta wadanka , sidaa darteed ay taageerayaan in la doorto madaxwayne ku xigeenkii horre imikana ah musharaxa Xisbiga Dimuqraadigga Joe biden .

 

Bob Tutle oo ahaa madaxii shaqaalaha guriga cad waagii Reagon waagii G W Bush noqday Danjiraha Maraykanka u fadhiya wadanka ingiriiska oo ka midda guruubkan ayaa ku tilmaamay Trump in uu noqday madaxwaynihii ugu liitay ee soo mara taariikhda wadanka maraykanka , sidoo kale James Glass man oo ka tirsanaa xoghayayaashii dawladii G W Bush ayaa sheegay in aanu trump lahayn hibo hogaamineed , wadanka maraykankana ay ugu dhinteen xanuunkii Covid ka 170 kun oo qof iyadoo maraykanku haysto saynis yahanadda ugu waawayn aduunyadda .

 

Kooxdan ayaa iska uruurisay 140 kun oo doolar oo ay ugu talageen kaambaynka ay kagga soo horjeedaan Trump , waxaanay isu taageen in ay si xoogle ugu ololayayaan Musharax Joe Bidden .

 

Si kastaba ahaatee , markaad eegto sidda ay u socoto dabaysha doorashadda wadanka maraykanku , waxaa maalinba maalinta ka danbaysa muuqanaysa in maalmihii Trump soo uruurayaan


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...