Waxyigii Jacaylka. Q.2. W/Q Cabdicasiis Maxamed "Warsame"

0
Saturday August 22, 2020 - 22:29:54 in Articles by
  • Visits: 1191
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Waxyigii Jacaylka. Q.2. W/Q Cabdicasiis Maxamed "Warsame"

    Waxyigii Jacaylka. Q.2. W/Q Cabdicasiis Maxamed "Warsame"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxyigii Jacaylka. Q.2. W/Q Cabdicasiis Maxamed "Warsame"

 



Iyadoo sidii ay tahay haddana hala galo fasaxii kale ee iskuulka, fasaxani mid wanaagsan ma ahayn, haddana wuxu ahaa fasaxii na baray in aanan kala maarmin, wuxuu ahaa fasax aanu ka helnay waayo-aragnimo badan oo ay ku dhex jireen duruuso naga maqnaa.





Sidii noo caadada ahayd waxa aanu kullanay habeen intaanu ballanay iyadoo xaafad kale oo qoyskooda ah wax ka soo qaadaysa, waayo had iyo gooraale waxa aan ku kulmi jirnay meelo aan wada dhigano iyo marka meel iyada wax looga diro, laakiin si gaar ah kulan madaxbannaan u ma aanu yeelan jirin waayo taasi suurogal uma ahayn iyada oo xaafadooda ayaan u ogolayn.

Habeenkaas Kaafiya waxa ay ii sheegtay "in ay Hargeysa aadayso fasaxan, halkaana ay ugu tageyso aabbaheed oo deggen, markay ii sheegaysay waxa ka muuqatay murugo xad dhaafa, waxa ay noo ahayd labdayadaba habeen walbahaar waayo maanu jeclayn in aanu kala fogaano, sababtoo ah waxa aanu ogeyn in aanan is arkayn, telifoonna ka soo wada hadlayn sidii hore. Habeen kaasi wuxuu ahaa habeen naxdin badan oo qalbiga iyo indhahaba aanu ka oynay, waxaanu dareenay sida aanu isugu baahanahay ee aan midna ka kale la"aantii u joogi karin, u jiifsan karin, jawi fiicana u qaadan karin.

Kaafiya waxa ii sii qortay landline ka guriga ay tagayso ee abbaheed, waxa kale oo ay sii qoratay kii gurigayaga iyadoo i xasuusinaysa in aanu iska soo wici doono meelaha telifoonada lagu kireeyo oo loo yaqaanay "Substation". Waxa ay ahayd fariid yar oo maskax badan runtii.

Waxa ay maqnayd bil iyo dheeraad dherer leeg sannado, waanu wada hadlanay marar door ah laakiin waqti yar oo oo hadduu u bato aan laba mirir ka badnayn ayuu ahaa inta aanu wada hadalnaa marka aan isa soo wacno, waayo jeebkayaga ayaan noo saamixi jirin oo waxa aanu ahayn caruur aan lacag arag, inta aan ku wada hadalnaana nusasaacahayaga ayay ahaan jirtay.

Labada mirir ee aanu is wacno waxaan ka werweri jiray in ay iga dhamaadaan anigoon waydiin goortay imanayso, inta caafimaadka iyo xaalka aan ka waraysanayo oo dhan waxa igu mudnaan jiray dareen cabsi badan, mararka qaar dhawr goor oo isku xiga ayaan su'aali jiray goortay soo noqonayso anigoon is ogayn. Maalintii dambe ha ila soo hadasho oo ha ii sheegto in ay timid, doonaysana in aanu kulano, haye iyo halkii barayfatka agtiisii isugu keen keen, waayo meeshaasi waxa ay ahayd halka inta ugu badan kulanyagu ka dhici jiray ee aanu ballanta ku qabsan jirnay.

Kaabadii bareefadka anigoo si farxad leh u fadhiya ayay ii timi Kaafiya oo bac qurux badan alaab ku sidaa kolkii aan imi goobta daqiiqado kadib, waata intay alaabtii kaabadda saartay i salaantay iyadoo i gacanqaadaysa, halkii baan cabbaar wada joognay oo ku sheekaysanay, inta badanna iyadaa sheekayn jirtay anna daawashada afkeeda iyo sida ay gacmaha leedahay marka ay sheekanayso waxa ay ii lahaayeen xiiso gooni ah, ilaa iminka taasi maskaxdayda way ku dhegentahay, waxa ay ahayd geesiyad yar runtii. Marka aanu kala tagaynay ayay igu tidhi;

"Alaabtan adaan Salmaanow kuu siday ee qaado oo gurigii ku eeg halkan ha ku furfurine!"
Waxa ay igu noqotay yaab, iyo filan waa, waxa aanan ku idhi anigoo faraxsan "haye Kaafiya, mahadsanid" xitaa kelmadda mahadsanid iyadaan ka bartay baan filayaa.

Kala tagnay oo iyana gurigoodii qabatay anna kaayagii, waliba anigu degdeg baan u socday si aan guriga dhaqso ugu gaadho si aan alaabta u eego, xitaa maskaxdayda kuma soo dhicin jidka ku sii eeg!
Markaan gurigii sidaa u gaadhay aan furo, saa waa alaab wada qiimi leh, oo aanan kaba filanayn meesha, waxa ay isugu jirtay, maryo iyo cadar iyo macmacaan, waxa ay ahayd hadyaddii nooceeda ah tii ugu horeysay ee waligay qof ii keeno. Waan soo wacay anigoo doonaya in aan mar kale u mahadceliyo saaxiibbaday kaafiya. Waxaanan ku idhi" Kaafiya mahadsanid walaalo, maxaad waxan oo dhan iigu keentay waa qaaliye oo aad isu soo dhibtay? Waxa ay igu jawaabatay iyadoon isba dhibin" Salmaan waa caadi, adiga wax kaa qaalisani ma jiraan".
Hadalkaas iyo hadyaddaasiba waxa ay ahaayeen kuwa igu sii kordhiya kalgacaylkii badnaa ee aan awelba u hayay Kaafiya, waxa ay ii noqotay qof qadarin iyo maamuus oo dhan aan siiyo runtii waxa ay ahayd qof yar oo gob ah.
Waxa ay ii noqotay wehel iyo wadaag buuxa waxa aanu noqonay laba maalintaa kadib hadyado badan is waydaarsaday waraaqo ay isku ammaanayaan marka ay is arkaan isu dhiiba...

Waxa ay ii ahayd waxa ugu weyn ee aan ku farxo, la joogeedana waxa aan dareemi jiray riyaaq iyo fudayd aad moodo in aan duuli karo.
Markan xidhiidhkayagu qun buu isu taagay oo waxa uu jiraa seddex sanno iyo dheeraad, waa jacayl qalbiyada iyo naftu isla ogolyihiin aanse mar qudha afka laga iclaamin, heshiisna loo kala qaadin, haddana wax waliba sidii ugu quruxda badnayd bay u socdaan oo saluug ma jiro, haddii uu jirina waa in aanaan taas toos marnaba uga wada hadlin, annagoo waxkasta oo kale ka wada hadalna.
Sababta ugu wayn ee taasi u dhacdayna waa in aan cabsi weyn ka qabay in haddii arrinkaa aan meesha keeno oo isu bandhigno iclaaminana jacaylkayaga ku dhawaaqista uun u dhimantay, uu wax u dhimo xidhiidhkan quruxda badan, sidaana aan ku waayo Kaafiya.
Dareenkaasi ma ahayn mid aniga uun igu kooban, ee waxa uu ahaa mid kaafiyana ku weyn oo werwer ku haya sidaan kol dambe ogaan doono.
Waa adduunyo, waa hawlo badan oo dhib lagama waayee, kolkan waxa dhacday mashaqo iyo maqaadiir dhanka kalena ahayd dhacdadii tamarta noo galisay ku dhiirashadayada dhamaystirka xidhiidhkayaga iyo magac siinta rasmiga ah ee lammaane isjecel.

Waxa dhacaday in aniga iyo dhallin yaro kale oo aanu u saaxiibo nahay isku xaafadna nahay dagaal na dhex maray dhalin kale oo dhigayaga ah laakiin xaafad kale ah, halkaas waxa wiil dhankii kale ah ka soo gaadhay dhaawac, arrinkaas oo askartu noo xidhxidhay. Ta cajiibka ahi waa in daqiiqadii lay xidhayay aan ku socday barayfatkii anigoo la hadlaya Kaafiya oo markan aanu labadayaduba qaadanay laba telifoon Nokia Mobile ah oo isku mid ah oo noocoodu ahaa kuwii loo yaqaanay "Yeyeda" oo iyana aabbaheed uga soo dhiibay hargeysa anna kayga habaryartay sucuudiga iiga keentay.

Tolow ma markii askartu i qabanaysay bay telifoonka ka dhex maqlaysay, inkastoo aan markiiba jaray, mise saaxiibkaygii aan telifoonka usii dhiibtay baa u sheegay in lay xidhay, mooyi si ay wax u dhaceen ba intii aanu ku sii soconay saldhiga oo aan xafadahayga ka fogeyn, saw iyana xagayga ayay usoo jihaysnayd.
Markii sidaa qolkii yaraa ee qudhmuunaa ee saldhiga sidaa laygu xareeyay, waxa igu dhacay yaab, waligay ma arkin meel ka mugdi badan oo haddana ka qudhmuun badanayd, anigoo gabayguba neef qabtoobi gaadhay, oo matag i hayo, madowga qolkana aan wali saani wax uga arkayn, iyadoo labo qof oo kalena meesha hore ugu sii jireen, oo mid ahaa saaxiibkay oo aanu isku kiis u xidhanay ayaan degdeg isugu soo qaaday daloolkii yaraa ee qolka, saa qacdii koowaadba waxa ay indhahaygu qabteen, kaafiya oo albaabka saldhiga ka soo galaysa iyadoo bac alaabi ku jirto gacanta ku sidata, waxa ay hayd qofkii u horeeyay ee ii yimaada daqiiqadii la xidhay iyo ta ay socotana waxa u dhexeeyay inta ay jidka ku soo jirtay, halka xaafaddaydu labo saacadood kadib ii iman doonto.
Maan sugin inta ay askarta i waydiinaysee ee anigaa daloolkii uga yeedhay, iyana ii timi, way xiiqsanatay, dhanka kalena aad bay u naxsantay, oo cabsi badan baa ka muuqata wixii u horeeyay ee ay i waydiisanaa waxa uu ahaa "Salmaan Goormaa lagu soo daynayaa oo aad soo baxaysaa?" Anigoo qiiro uu i galiyay hadalkaas iyo dareenkaa ka xumaanshaha ah ee wajigeeda sida dharaarta uga muuqda dhanka kalena ciil kaambi dareemaya iyo in aan ahay qof xun oo saacaddan in uu meeshan ku xidhnaado sabab u ah, kaafiyina murugooto ayaan ku idhi "Kafiya walaalo ha werwerin ilaa beri waan soo bixi, haddaan ugu batana saa dambe" intaa kadib askarigii baa albaabkii iga furay iyadana alaabtii ka qaaday oo eegeegay sida dhaqanka askartu yahay kadibna ii dhiibay, waxa bacdaa ku jiray sharaab iyo cuntooyin .

Waxa Qoray:- Cabdicasiis Maxamed "Warsame"


La soco qaybta seddexaad.

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...