Faallo:-KULMIYE Ma Lagu Tartami Doonnaa....?!

0
Saturday August 22, 2020 - 15:22:29 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1709
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Faallo:-KULMIYE Ma Lagu Tartami Doonnaa....?!

    Faallo:-KULMIYE Ma Lagu Tartami Doonnaa, Mise Muuse Biixi Ayaa Sacabka Loo Tumi?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faallo:-KULMIYE Ma Lagu Tartami Doonnaa, Mise Muuse Biixi Ayaa Sacabka Loo Tumi?

Hargeisa(HWN):-Xisbiga talada haya ee KULMIYE oo ku jaah-wareersan sidii ay u samayn lahaayeen Shurruudo adag oo dabar looga dhigo Murashaxiinta uu damacu kaga jiro inay u tartamaan jagadda guddoomiyenimadda Xisbigaas KULMIYE, waxaannay guddiga qaban-qaabadda Shirweynaha afraad ay ku hawlan yihiin wax ka badalka 8 Qoddob oo ay 19-kii bishan ay soo bandhigeen.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi sayruuqnews - Sayruuq News


Guddoomiyaha guddigaas qaban-qaabadda shirweynaha 4aad Cabdikarriim Xinif waxa uu sheegay in Xisbiga KULMIYE si furan oo Dimuqraadiya loogu tartamo.

"Xisbiga KULMIYE sida lagu yaqaanay horena uu u samayn jirey waa Xisbi furan, Xubinkasta oo Xisbiga ka mida oo u tartamaysa Guddoomiyenimada Xisbiga ama guddoomiye-xigeennada way u furan tahay" sidaa waxa yidhi guddoomiyaha guddida qaban-qaabadda Shirweynaha afraad Cabdikarriim Ahmed Maxamed Xinif

Ha-yeeshee hadalkaasi run maaha umanna dhawa oo taariikhda intii uu jirey Xisbiga talada haya ee KULMIYE may dhicin hal mar oo si furan loogu tartamay, haddaanu tartanka Dimuqraadiga ah u haysan kan hal qof loo xidho jagadda u sarraysa ee xisbiga, waannay siday u badan tahay oo uu Cabdikariim Xinif aaminsan yahay.

Shirweynahan 4aadna ma jirto tartan furan oo si Dimuqraadiya loogu tartami doono, waxaanna sacabku uun loo tumi doonnaa Muuse Biixi Cabdi oo xilligan lagu jiro ah Mulkiilaha Xisbiga KULMIYE, isla markaanna ruux kasta oo u arko innuu damac kaga jiro jagadda Guddoomiyenimo waxa uu dhigi doonnaa bannaanka Shirweynaha.

Si kastaba ha ahaatee, Shirweynaha 4aad ee Xisbiga KULMIYE waxa uu dhici doonnaa horraanta bisha October ee foodda innagu soo haysa, waanna la dhawri doonnaa sida xaalku noqdo marka Shirkaasi furmo. Wuxuu noqon doonnaa in si heer sarre loogu tartamo ama waxa uu noqon doonnaa meel sacabka looga garaaco Muuse Biixi Cabdi hoggaamiyaha yaqaanna siyaasadda gole ka fuulka ah.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...