Cumar Baahabriyyi: Caqligii Uu Keenay Ayaa Sababay Inuu Maalmo Ku Shaqaysto Gumaystihii Ingiriiska Ee Cadan Soo Degay.

0
Saturday August 22, 2020 - 10:21:27 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1488
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cumar Baahabriyyi: Caqligii Uu Keenay Ayaa Sababay Inuu Maalmo Ku Shaqaysto Gumaystihii Ingiriiska Ee Cadan Soo Degay.

    W/Q: Faisal Ahmed Karshe."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Faisal Ahmed Karshe."

Wakhtigii ay ciidamada ingiriisku qabsadeen magaalada Cadan ee dalka Yaman ayaa waxa ay waayeen qof yaqaana luqadda ingiriiska oo u kala turjuma iyaga iyo dadkii magaaladaa deganaa.

 

Dadka reer Yaman ma aanay rabin in ay gumaystaha wadankooda qabsaday la shaqeeyaan, ciidamadii biritan na waxay rabeen in qoraalladooda iyo afkaarahooda ay u gudbiyaan dadka reer Cadan.

 

Ka dib waxay heleen nin lagu magacaabo Cumar Baahabriyyi kaas oo aad caan uga ahaa magaalada cadan kuna haystay maqaaxi shaaha lagu iibiyo.

 

Cumar wuu u tarjumay qoraalladii ay rabeenna wuxuu ugu qoray afkii carabiga, iyaguna waxay qoraalkii ka sameeyeen malaayiin koobi, waxaana ay ka soo daadiyeen waraaqihii hawada sare iyaga oo adeegsanaya diyaaradahoodii dagaalka.

 

Markii ay muddo bilooyin ah sidaasi samaynayeen ayaa maalintii danbe waxaa Cadan soo booqday janan ciidamada Biritish ka ah, kaas oo ahaa mid aad u yaqaanay luqadda Carabiga. Waxaana uu u tegay sarkaalkii qaabilsanaa daabacaadda waraaqaha.

 

Waxaanu waydiiyay waa maxay waraaqahan aad diyaaradaha ka soo daadinaysaa ? ” Wuxuu ugu jawaabay ” waa farriin aannu dadka ku kasbanayno.”

 

Janankii wuxuu waydiiyay ” oo ma garanaysaan waxan ku qoran waraaqaha?” Wuxuu ugu jawaabay ” Waxaa ku qoran guusha waxaa iska leh isbahaysatada (Gumaystaha).”

 

Janankii oo yaabban ayaa yiri ” War waxaasi kuma qorna meesha ee waxaa ku qoran ''qofkii shaah macaan rabaa ha ka doonto makhaayadda Cumar Baahabriyyi.

 

W/Q: Faisal Ahmed Karshe.”


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...