Gabadh Xidhiidh Joogto Ah La Leh Masaska Halista Badan !!

0
Saturday August 22, 2020 - 10:11:06 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1257
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabadh Xidhiidh Joogto Ah La Leh Masaska Halista Badan !!

    "Laakiin ma ahan qofka kaliya oo qoyskeeda kamid ah kaas oo saaxiib fiican la ah masaska"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Laakiin ma ahan qofka kaliya oo qoyskeeda kamid ah kaas oo saaxiib fiican la ah masaska"

Dad badan majecla inay dhaayaha ku qabtaan mas nool, iskaba daa inay xanaaneystaane, hayeeshe, 14 jir lagu magacaabo Chalwa Ismah Kamal kuma jirto dadkaas.

 

Waxay jeceshahay inay dhaqato ama xanaaneyso masaska. Waxaana sababtaas awgeed ay caan ka noqotay gudaha dalkeeda Induniisiya iyo qeyb ahaan baraha bulshada sida barteeda Instagram-ka.

 

Xiriir maalinle ah ayaa dhex mara iyada iyo masas weyn – oo gaaraya lix kuwaas oo gurigooda jooga, waxaana ay siisaa cunno – iyada oo sidoo kale u meyreysa. Dad badan oo arkay muuqaalada laga soo duubay xiriirka nololeedka maalinlaha ah ee kala dhaxeeya masaska, waxay la yaab awgiis ula taagaan afka.

 

Waxay la qabsiga iyo xanaaneynta masaska la kowsatay iyada oo 14 jir ah. Waxaana sida muuqata uu xiriirkaasu hadda noqday mid aan kala go’i doonin. Mana dareento in yar oo cabsi ah marka ay ag joogto.

 

Laakiin ma ahan qofka kaliya oo qoyskeeda kamid ah kaas oo saaxiib fiican la ah masaska, xattaa walaalkeed ka yar ayaa la arkayaa isaga oo ku qoorta ku sita mas weyn – isaga oo xattaa aan dareemin in yar oo baqdin leh.

 

Bishii hore ayay bilaabeen inay barta Instagramka soo geliyaan muuqaallada masaska ay la joogaan, waxaana ay soo jiiteen indhaha kumaankun qofood.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...