Xuquuqaha Ugu Mudan Ee Muwaadiniinta Waxa Ka Mid Ah Xuquuqda Siyaasadeed ;
W/Q: Muxamed Dhimbiil
( xisbiyadu iyaga oo siyaasadii dalka kooto in loogu xidho raba ayaa
ay dhexdooduna kooto kale sii tahay oo aan qofku hankiisa ka dhex
xaqiijin karin )
Ilaa hadda maxaa loo laayahay cid difaacda xuquuqda siyaasadeed ee
muwaadiniinta aan sadexda xisbi qaran ku qancin oo dastuurka iyo
xeerarka ka farcamaa si cad u qeexeen, gaar ahaan qodobada 22naad iyo
23naad ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland iyo Xeer No 14 , oo ah
xeerka ururada iyo axsaabta ?
Shalayto Gudoomiyaha maxkamada sare waxa uu sheegay in ay yihiin
daneeyayaasha doorashada sadexda xisbi qaran oo ay xiliga doorashada la
qabanayo ka shiri karaan , waa sax ha yeeshee marka ay 9 bilood ka
hadheen xiligii Xeer No 14 sheegayey in gudiga diwaan galinta ururada
iyo axsaabtu ku dhawaaqayaan in tartanku furan yahay oo ururo la
sameysan karo sidee ay kaligood u noqdeen daneeyayaasha doorashada?
Dadka Somaliland kama hadlaan xiliga wax laga sii qaban karayo waxa
soo socda, 6 dii sanadood ee ugu dambeeyey ba waxa aanu ku qaylinaynay
waar nidaamka dimuqaradiyadeed ee dalka hala saxo oo doorashooyinku
xiligooda ha ku dhacaan, dhamaan madaxda iyo hogaankeena siyaasada iyo
bulshada inta u dhuun daloosha arimaha siyaasadeed ee dalku way ka
dharagsan yihiin dhibtan jirta.
Madaxwaynaha hada talada haya waxa xili doorasheedkiisa lagu soo
riixay doorashooyinkii dhici lahaa 8 sanadood ee ka horeeyey
badankoodii, waxa uu la kulmay dhib tuulan, waxa ay u eeg tahay in uu
isna Madaxwaynaha ka dambeeya isaga sii riixi doono inta ilaa hadda
muuqata marka la eego.
Axsaabta siyaasada Somaliland waxa ay ka mideysan yihiin ku
dagaalanka kaalmahooga xisbinimo, aad uma danaynayaan in ururo lagu
furo, hase yeeshee sharciga dalkuna yaanu noqon mid ay maslaxadooda iyo
jacaylkooda ku saleeyaan ee ha u tudhaan mustaqbalka dalka iyo hanaanka
dimuqaradiyadeed ee Somaliland qaadatay.
Waxa hubaal ah in dadka inta ugu badani aanay ku qanacsanayn
axsaabta siyaasada Somaliland ee maanta joogta, oo xataa dhexdoodu
kootaysan tahay oo inta ku jirtaa aanay si xor ah xuquuqdooda iyo
hankooga siyaasadeed ka dhex xaqiijin karin , dadkuna Somaliland na xaq
ay u leeyihiin in ururadii siyaasadeed loo furo oo ku dhaceega iyo hal
adeygeeda lala yimaado .
Dhibaatooyinka iyo raadadka ay reebayaan waa qaar dhamaan shacabka
Somaliland saameyn ku yeelan doona oo ah dhibaatooyin qaranka u yaalla
ee aan qofna wax gaar ah yeelayn kaligii, walow inta maanta talada
haysa iyo intii shalay joogtay ay ku sawirnaan doonaan waxii foolxumo
iyo qadaf dhacay intaa ay joogeen haddana waxa ka weyn waxa dal ahaan
iyo dad ahaan ina gaadhaya.
Hadii aad is leedahay shaqadaada yar ilaasho, dukaankaaga yar iska
hayso, bakhaarkaaga ku koobnow, hudheelka iska hayso, ganacsigaaga iyo
shirkadaadu ha kuu shaqeyso waxa aan kuu sheegayaa in aan intaa
midkoodna kuu shaqeyn doonin hadii xasilooni la'aan siyaasadeed iyo kala
shaki umadeed dhaco , markaa maanta waxa kala gudboon in aad codkaaga
kor ugu dhawaaqdo.
Shacabka jamhuuriyada Somaliland waa dad wanaagsan oo dulqaad badan
oo dalkooda, nabadgalyadooda iyo in uu ka mid noqdo dalalka aduunka ugu
horeeya raba, waxa ay ka soo niyad jabayaan marba marka ka dambaysa
doorashooyinkii dalka oo noqday " Ku badel aan isbadel lahayn " iyo in
kuraasida qaranka qiil loo banaysto oo cidwaliba doonto in ay inta ay
doonto ku fadhido.
W/Q: Muxamed Dhimbiil
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...