Shirkadda Telesom Oo Deeq Gurmad Ah Gaadhsiisay Degmadda Sallaxley

0
Friday August 21, 2020 - 20:42:24 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1912
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkadda Telesom Oo Deeq Gurmad Ah Gaadhsiisay Degmadda Sallaxley

    Shirkadda Telesom Oo Deeq Gurmad Ah Gaadhsiisay Degmadda Sallaxley

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkadda Telesom Oo Deeq Gurmad Ah Gaadhsiisay Degmadda Sallaxley

Hargeisa(HWN):-Shirkada Telesom ayaa deeq ka kooban 2 Kun oo Jiingadood iyo 500 oo Kiish oo Sibidh ah gaadhsiisay Xarunta degmadda Sallaxley oo Waxyeelo ka soo gaadhay Roob duufaan wata oo dhawaan ka da’ay degmadaasi.


Munaasibada Wareejinta deeqdan waxaa ka hadlay xubno ka mid ah Guddida horumarinta ee degmada Sallaxley oo u mahadnaqay Shirkada Telesom.


Agaasimaha Xidhiidhka Guud iyo Arrimaha Bulshada ee Shirkada Telesom Cabdi wahaab Maax oo ku hadlayay afka shirkadda Telesom ayaa sheegay in shirkad ahaan ay soo gaadhsiiyeen degmadda Sallaxley deeqdan oo dhan 2 Kun oo Jiingadood iyo 500 oo Kiish oo Sibidh ah taas oo dhisi doonta sida uu sheegay 66 Guri oo Khasaare ka soo gaadhay duufaantaasi.


Sarkaalkani waxaa kale oo uu ku dheeraaday doorka ay shirkadoodu ka qaadato dhibaatooyinka dalka la soo dersa waxaanu Tusaale u soo qaatay Kaalmooyinkii kala duwanaa ee ay kaga qayb qaateen duufaantii Sagar ee ku dhufatay deegaano ka mid ah Xeebaha galbeed ee dalka, Taakuladii abaarihii dalka soo maray iyo xaaladii ka dhalatay Xannuunka Covid19 oo Shirkada Telesom kaga qayb qaadatay adduun lacageed iyo qalab Caafimaad.


Gabogabadii waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha degmadda Sallaxley Ismaaciil Yuusuf Xuseen ( Shiine) waxaanu u mahadceliyey Shirkada Telesom kaalmadan wax ku oolka ah ee ay soo gaadhsiisay.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...