Somaliya Oo Dalkeeda Ka Mamnuucday Diyaaradaha Jaadka Keena

0
Friday August 21, 2020 - 15:14:23 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1947
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliya Oo Dalkeeda Ka Mamnuucday Diyaaradaha Jaadka Keena

    "Dadbada oo Somaliyeed ayaa ka qanacsada Jaadka"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dadbada oo Somaliyeed ayaa ka qanacsada Jaadka"

Muqdisho (HWN) Maareeyaha Hay’adda Duulista rayidka ee Somaliya Axmed Macalin ayaa sheegay in marnaba ay Soomaaliya aysan soo geli karin diyaaradaha sida qaadka, isla markaana dowladda Soomaaliya ay mamnuucday in dalka la keeno jaadka.

 

Waxaa uu sheegay in dhowr jeer ay Hawada Soomaaliya ka celiyeen diyaarado jaad siday, sidoo kale ay qabteen jaad lagu soo dhex qariyay alaabo kale oo dalka la keenay,isla markaana ay gubeen.

 

Sidoo kale waxaa uu sheegay Maareeyaha Hay’adda Duulista rayidka Axmed Macalin in Duuliyihii ama Beyloodkii isku daya in Soomaaliya uu soo geliyo diyaarad sida jaad uu weyn doono leysinkii ama ruqsadii duuliyenimo.

 

Hadalka Maareeyaha Hay’adda Duulista rayidka Axmed Macalin ayaa kusoo aadaya xilli Guud ahaan Soomaaliya si caadi ah loo keeno jaadka,isla markaana lagu iibiyo suuqyada waaweyn ee Magaalada Muqdisho.


Loading...
Loading...