"Walaashiin Idinka Weyn Ilaashadda Waa Hooyadiin Labaad E"

0
Friday August 21, 2020 - 15:04:52 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1233
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Walaashiin Idinka Weyn Ilaashadda Waa Hooyadiin Labaad E"

    W/Q: Mohamed Haldoor

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Mohamed Haldoor

Waa da'da afraad ee ka mid ah lixda ubbad ah ee ay isu dhaleen Hooyadeey iyo Aabbahay. Da' ahaan way iga wayn tahay oo saddex hablood oo iyadda kor uga weyn marka laga yimaaddo aniga ayaa ah shaqsiga ku xigga.

Markii ugu danbaysay ee ay indhaheeddu arkaan aniga oo soconaya waxa ay ahayd subax aannu si kedis ah ugu kullanay aniga oo hor maraya meel dukaan ah oo ay alaab kasoo iibinaysay.



Maadaama oo ay ogayd in aannu safar waxbarasho u tagayno dhankaas iyo magaalada Hargaysa aniga iyo Cabdillaahi, oo ah wiilka noogu yar aad ayey noogu adkayd in aannu kala fogaanayno muddo sanado ah oo aannu ahayn kuwo soo qaatay nolol midii ugu dahabsanayd.


Markii aan Hargaysa usoo wareegnay aniga iyo Cabdillaahi yare waxaa labadayaddaba nalagu daray dugsi hoy ah "Boarding" oo ku yaalla bariga magaalada Hargaysa.


Muddo sagaal billood ah oo aan iskuulkii wax ka baranaynay ayaa waxaa dhacday in uu i halleelo xannuunka maanta iga dhigay laxaad li'da.


Markii la i dhigay dhakhtarkii la igu dabiibayey iyada oo ay xaalladayddu aad u culus tahay maadaama oo aan aad u xannuunsanayey.


Xannuunkayga ayaamo ka hor ayey magaalada timid. Markii loo sheegay in aan dhakhatka aallo ayey isla markiiba ii timid.


Waxba maan kala ogayn wakhtigaas ay isoo booqatay laakiin markii labaad ee ay ii timaaddo ayaan arkay weliba aniga oo aad ugu farxay aragtideedda oo ay iigu danbaysay muddo sagaal billood ah.


Muddo saddex bilood ah oo aan dhakhtatka ku jiray waxa ay ahayd qofka keli ah ee aan hal mar i cidlayn ee aan agtaydda ka dheeraan.


Waxaa jirtay in ayaamihii ugu horreeyey ee xannuunkayga in ay aad ii xannuuni jirreen labo deydda luggood ba. Waxa aan u baahan jiray in la ii hayo maadaama oo aanan kor u qaadi kari jirin.


Waxa aan soo barraarugi jiray weliba xilli danbe iyadda oo ku fadhidda sariirta bukaanka ee aan ku jiifay isla markaasina hayso labodeydda luggood.


Marka laga yimmaado Hooyo oo ah qofkii ugu horreeyey ee gacanteedda cunto igu siisa waxa ay noqonaysaa qofka labaad ee afka cunto iigu gura ina siiya maadaama oo aanan awoodi karin markaas in aan gacmahayga wax ku cuno.


Waad dareemi kartaan qof nolol ka duwan midii uu ku soo barbaaray muddo kooban galay sida uu niyad ahaan iyo qalbi ahaan ba noqonayo.


Waxa ay iiga sheekayn jirtay waxyaabaha ka dhacaya hareeraha dhakhtarka iyo guud ahaan waxyaabaha ay soo aragto maadaama oo aanan anigu awood u lahayn in aan bannaanka u baxo amma meelahaas oo mar maro xaalladda aan galay darteed.


Aniga oo dhakhatarka ku jira ayaa la ii bilaabay in la ii sammeeyo jimicsi iyo duugi taan la iigu sammayn jiray Handhi Kaabta.


Subax kasta oo halkaas la i gaynayo waa ay isii raaci jirtay. Iyadda oo ii samayn jirtay wax kasta oo caawinaad ah oo aan u baahanahay.


Markii ay dhammaadeen muddo saddex bilood ah oo aan ku jiray cisbitaalka waxaa la i keenay guriga AHUN adeerkeey Cabdiraxmaan Ducaale Daanbir oo ah markaasi noollaa.


Maadaama oo uu sammeeyey xannuunkii igu dhacay dhammaan xubnaha jidhkayga qaar ka mid ah sidda gacmaha, lugaha iyo dhabarka ma aanan awoodin jirin markaas in aan dhaqaajiyo gacanahayga, lugahayga, iyo in is rog rogi karo xitaa in aan soo fadhiisto hadalkeedda iska dhaaf e.


Qolka aan ku noollaa markaas iyo marxalladaas way koobnayd wakhtiyadda aan ka bixi jiray oo keliya waxaa aan bixi jiray subaxii markaan suuliga u baahdo iyo marka la i geynayo goobta la iigu soo sammayn jiray wakhtigaas duugista iyo jimicsiga. Markaas na waxaa qolka la iga qaadi jiray aniga oo la i sido oo ay i sidaan wiilal uu igu ballamin jiray adeerkay AHUN Cabdiraxmaan.


Maadaama oo aan ahaan qof aan is banbaanin karin aad bay u adkayd oo ma sahlanayn in qof dumar ahi keligii i qaadi karo oo midaasi ragga ayaa dhib badan ka mari jiray.


Waxa ay aad u jeclayd in aan bannaanka u usoo baxo oo aan kasoo kaco sariirta muddada dheer ku jiifay. Waxa ay iigu yeedhi jirtay wiilasha guriga si ay iisoo qaadaan oo ay iigu fadhiisiyaan kursi ay bannaanka iigu sii diyaarin jirtay.


Waxaa dhici jirtay in ay mararka qaar iyaddu isoo qaadi jirtay weliba iyadd oo ay dhib ku tahay laakiin wax aannay awoodin karin ayey aniga dartay u sammayn jirtay.


Waxaa dhacday in ay dhib wayni kasoo gaadhay sidii ay ii qaadaysay ee ay dusha iigu siday oo taas na waxaa loo geeyey dhakhta isaga oo u sheegay in bogcadka ay dhibaato ka gaadhay. Sidoo kale dhibaataddii ay dartay u martay waxa aan arkaa mararka qaar marka ay salaadda tukanayso in ay fadhiga ku tukato maadaama oo qaadidii ay i qaadi jirtay uu dhabarku wax noqday.


Mustaqbalkeeddii oo dhan ayey ii hibaysay markii aan u baahnaa ee aan itaalka yaraa cidlo igagama ay dhaqaaqin ee waxa ay dhexdda u xidhatay sidii ay noloshaydda u qurxin lahayd.


Wakhtigii noloshaydda ugu murugo badnaa ee aan soo maray abid ayey igala soo dabaalatay ilaa ay isoo gaadhsiisay qofka aan maanta ahay.


Isma lihi abaalkii weynaa ee ay kuu gashay waad gudi doontaa laakiin Rabbi ayaan u weydiinayaa in uu siiyo abaalkaas oo janno ah.


Waxa ay qurxisay noloshayda oo dhan iyada oo ilaa intii aad dib u soo kabanayey, ee aan waxbarasho iyo shaqo helaysay ay guriga joogtay oo dhana aadin.


Hadda markii ay noloshayddii oo dhan si weyn wax uga bedeshay waxa ay bilowday in ay ganacsi samayso oo waxa ay haysataa Carwo dharka lagu iibsho.


Wiil kasta waxaa cajabisay oo layaab gelisay walaashii. Iyadda ayaa ah mida ugu qurux iyo qiime badan hablaha dunida. Iyadda ayaa ah mida ugu geesisan, fariidsan, uguna deeqsisan guud ahaan hablaha dunida.


Walaashaydda aan aduunka waxa noolle saaran guud ahaan aan ugu jeclahay Sahra Musse Jaamac waxa aad tahay aniga boqoradeydda.


Waxa aan kuu rajeynayaa walaal nolol mida ugu qurux iyo qiime ba badan.


"Waan idiinka mahad celinayaa wakhtigiina qiimaha badan ee aad geliseen sidii aad u akhrisan lahaydeen qorraalkan walaaltinimadda ah. In uun haddii ay jirto in aan idinka murugaysiiyey aad baan idiinka raaligelinayaa"


W/Q:Mohamed Haldoor

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...