Nin Abeeso Magan Geliyey Iyo Wixii Ka Qabsaday ( Abdi-shotaly)!

0
Friday August 21, 2020 - 14:50:09 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1305
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Nin Abeeso Magan Geliyey Iyo Wixii Ka Qabsaday ( Abdi-shotaly)!

    Qore:- Abdi-Shotaly.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore:- Abdi-Shotaly.

Maxay kula tahay sidda uu sheegaayo Cinwaanku, ma shaqayn doonaa wacadka aanu wadda galay aniga iyo abeesadu? Wixii ka dhacay halkan hoose ka akhri. horaa loo yidhi abeeso dhul u ekaan bay kugu dishaa, wadaad-na dad u ekaane,Tixdan iyo maqaalkan is xambaarsani,waxay ka hadlayaan, anna aan daacad ka ahaa heshiiska na dhex maray, iyana ay shabaqa rabtay in aanu ugu dhaco, oo ay teeddii noqotay, waase goorma goorta aan wax ogaaday? Mase ka tashan doonaa haddii alle iga badbaadiyo waabaydeedda?



wacadkii aanu wadda galay muxuu ku dambayn? Anna cadaw markaa doonaayey in ay dilaan ka qari baan lahaa,oo dad raad-keedda guraaya, in aan ka magan geliyo, oo aan huga jidh-kayga ku dedan hoosta ka geliyo, si aan loo arkin. oo aanay waxba u yeelin kuwa raadinayaa, anna ka sabata baxo qaniinya-deedda, laakiin nasiib darro, inantii abeesadda ahayd, markii ay igu meel gaadhay, way ka baxday wacadkii iyo wixii la isku ogaa, oo waxay tidhi aniga maaha, ta aad heshiiska la gashay, ee is keen sii. Waxan ku idhi abeesooy, sidaa iskuma aynu ogayn, halka aan kaa soo qaaday, waad og-tahay, guriga aad hadda ku faaxsatay-na, ninkii nabad gelyo kugu keenay baan ahay, abaal baan kaa sugayey, sidaan kuugu lisay iiguma aad hambaynin. A duunku maanta uun maahee waxa iskula hadh, oo weji dambe dhigo, sidaana igu amaan geli, oo iga soo deg aniga oo bed qaba. Waxay tidhi aniga iyo aadmi arxan nama dhex yaalo, ee way kugu dhacdaye, mid-keen baa xabaal geli lahaaye, hadaan iskaa waydaariyey aday dili lahaaye, nacsnimo yey ku qaadin, mar kale kula sugi maayo'e nolol iska ilaw, ka dibna isla mar-kiiba, waa ta fajaaso ig u bilawday, ee adhaxdda taabatay, axan iyo agas-kayggii karisay. Wixii ka dhacay , xagan hoose ka akhtri fasilaadda.


Carabta baa waxay xikmad ku tidhaahaa "Laa Tafcal Al-khayr Maa Yagiibul Shar", oo micnaheedu yahay, wax samafal ah ama khayr ahba cidna haw samayn, sharba kuuma yimaado'e, haddii kale miyaa adiga baa ka sheekayn, waxa kugu dhaca. Muwaadin a an ku soo dhawaadee, Ummadda Reer Somaliland, waxa haysata, maah-maah-daa carbeed, oo Qudhmiyihii ay ugu sameeyeen macruufka, baa dib ugu soo kaajay. adba waad fahmiye dulucdda maqaalkane, in yar i amaanaysii dhegaha iyo indhaha, oo ila eeg arinkan aan soo wado. Abeesadu waa Xusbiga Kulmiye, Ninkuna waa Ummaddii Reer Somaliland, ee aamintay lana khiyaameeyey, iyaka oo ku soo saaray kursiga madaxtooyadda eex iyo godob, dabeedna siddii khamaarkii ciidda la ciyaari jirey ee la odhan jirey " Awgul Yaa Nasiib " ka dibna uu kaadhkii isku rogay, halkii ay ka eegayeen in ay wax ku faa'iidaan, iyakii meeshii naxdin ka dhaqaaqi kari waayeen, markii la furtay ee lacagtii ay dhigteen si cad looga dhaqaajiyey, waxa caynkaas la mid ah oo lagu abaal furey, markii ay gaadh-siiyeen halkii uu doonaayey Qudhmiye, weliba ay ku tiiq-tiiqsa-nayaan, kuwaas oo ka baxay dhamaan balan qaad-yaddii ay intii ku siisay foodka oo ay u sii dheer tahay ku shubashaddii qaawanayd ee uu Komishan ku sheegu u badheedhay bishi noofamber 2017kii, Arinka caynkaas ah, bay ka hadlaysaa tixdan hoos ku qorani ee ku soo dhawaw:-


Alla maxaan dardaarmoo, mudaan qaylinaayo.

U hubsadda bal maantoo, yuu munaafaq kuu talin

 

,Yuu ku marin habaabine, danta maw midawnaa

 

, Ku mitidda ninkii saxa, xaqaa maw nimaadnaa,

Asalkiyo muhiimkii, sahan maw astaynaa,

Markii ayga diideen,saw Uf muu na odhanoo,

Abaalkeeni maad helin, ma daboolan dhegahoo,

Ruuxaan mashxarad iyo, sacab aan mar wadda tumin,

Maxaad sheegaysaan iyo, Qaranimo ma rabo iyo,

Muqdishaa u yeedhiyo, waa mucaarid liitiyo,

 

Maaweelo la og-yahay, masruuf layga dhigayaa,

Magac doonis-tiisiyo, muuqaalo aan jirin.

Dulqaad waa ka madhan yahay,dafiraadna waa muush,

 

Gole maaha jira'iyo, waxaan meesha qabaynayn,

Dhaxal-kiini muu noqon, mamnuuc weeye debed buxu,

Nin mudaaha-raadaba, miyaad aragtay yimiyoo?

Saxaafadana muq-muqa goyn, mergi-yadda war-baahinta,

Shir ma yeelan karaysaan, ku amaana mooyee,

Miidaamo weeye'e, Khasab taydda uun maqal,

Maaweelo la og yahay, masruuf layga dhigayaa, ,

Masalooyin dhawraan, halkan kaaga marinoo,

Maaweelo la og yahay, masruuf layga dhigayaa,

Magac doonis-tiisiyo, muuqaalo aan jirin.

Dulqaad waa ka madhan yiin,dafiraadna waa muush,

 

Miimka kuugu qorayaa, Maan-kaaga waydii,

Ninka muunaduu dhalay,guduudane u mehershee,

U mixiisay jiifaa, surin uu u maro hayn ( jiifaa waa Ina askariga),

Maraboob u jilib xidhay, isagoon malaysanin,

Ku wareejay maalkii, Mulki-siiyey ee yidhi,

Madax adigu ka ahaw,muran miyuu ka joogaa,

Inuu maydku badanoo, miciyuhu saliil-yoon.

Jawaab-teedu waa maya, miim kalena wuxu yahay,

Haduu muumin sheeg-tiyo, mufti shiikha uu yahay,

Wacad male dhurwaa-guye, ninka maqasha raacsaday,



Maaweelo la og yahay, masruuf layga dhigayaa,

Magac doonis-tiisiyo, muuqaalo aan jirin.

Dulqaad waa ka madhan yiin,dafiraadna waa muush,



Midi yuu halaabine, ka ilaali daba milikh (dacawadda),

Makhrib-kana xeradda keen, midh-midh iigu soo tiri,

Miyey kaa sandahan tahay, inuu milcidda wadhayoo,

Danyo Cali macsuum iyo,haadkii madax dheeraa( Ina kahin),

Ama salal-madhlaha iyo, gorgor hawadda meeraa,

Muruqa-yadda la sii bixi, intaan aar mudh soo odhan?

Jawaab-teedu waa maya, miim kalena wuxu yahay,

Ninka yey mansuuliyad,yidhi meesha u saree,

Maamuusna ugu daray, mididdii u dhiibee,

Raqdda maamul hilibkoo,macaan jeceshu yey cunin,



Maaweelo la og yahay, masruuf layga dhigayaa,

Magac doonis-tiisiyo, muuqaalo aan jirin.

Dulqaad waa ka madhan yiin,dafiraadna waa muush,



Ayax soo dul mara iyo, inta gabal markuu dhaco,

Madawgaa Ku ceeshtiyo, ka ilaasha masaskoo,

Masaakiinta joogtiyo, maatadda u qaybiya,

Ha habsaamin miridh qudha,qanjidh yuu maqnaanoo,

Meesha yaan la boobine, marag Eebbe ka ahaw,

Inuu yey midhkaa fali, miyaad weli sugaysaan?

Jawaab-teedu waa maya, miim kalena wuxu yahay,

Nin abeeso magansaday, inu mayd mid-kood yahay,

Mudo aan fogayno, is muquunnin doonaan,
askarigaa munaafaq ah, iyo ka madxtooyo joogaa,



Maaweelo la og yahay, masruuf layga dhigayaa,

Magac doonis-tiisiyo, muuqaalo aan jirin.

Dulqaad waa ka madhan yiin,dafiraadna waa muush,

 

Miyaad diidan tahay taas? Nolol miyey wadaagaan?

Milicsiga indhaha iyo, ma digtoona maqal-kuba,

Belo meel dhaw kuma oga,inay maruun qarxaysoo,

Loo maleegan qayladda, god madaw in lagu rido,

Iyaduna ma been baa?, runta lagama maarmee.

Jawaab-teedu waa maya, midka diidan yeelkii,

Macaash doonka Kulmiyaa, murdiyoo dalkii dhami,

Mar qudhuun ku kala tegay, macaankii isku dilayoo,

Waxay dhuunta mariyaan, carrab-koodu muudsado,

Makhrib iyo dharaarii, muud-sadda qadaaradda.

 

Maaweelo la og yahay, masruuf layga dhigayaa,

Magac doonis-tiisiyo, muuqaalo aan jirin.

Dulqaad waa ka madhan yiin,dafiraadna waa muush,

 

Waxa la yidhi "Dacawo halka ay macal ku barato, bay macaluul ugu bakhti-daaye", abeesaddii sidaa u gashay Ummadda reer somaliland, oo aan ilaa imika loo hayn dawo qaniin-yadeeddii, oo boogtii ay inagu dhigtay, weli malaxdu da'ayso, baa inta ay afka boodhka soo marsatay, abeesaddii ( Waa Kulmiye'e), ina leedahay maantana, Anigu wax ku yeeli maayo, ee mar kale dhabarka i saar, markii laga diiday taas, bay hadana ay in leedahay abeesaddii ( waa Qudhmiye'e), Dacawyo aan dhalay ( Waa Samaale, Geenyo shaaximan, Maxamuud beenaale, Muumin seed ), baa isku kiin haysta ee miyaan yeelaa? Siddii markii horena ma yeelaayno ee wakhtiga noo kordhiya, imika waan waayo'aragnaye, axdi kale aan wadda saxeexno, taas oo micna-heedu yahay, tabco kale baankula maaganahay, oo aan kuugu dhameeyo ee ii suuro geli, iyaka oo mar hore, ifkana kaagexeeyey, a akhirona aan si wacan kuu geyn, ee kuu sumeeyey haaweyddii aad ka soo carartay qar ka sii xun, oo ahaa dhuxul dambas huwan. Waxan ku soo xakameeyey qoraalkan, abeesooy, in dhibaato igu filan faraqaan ku haystaa, Adiga oo taad ogayd i markiyey, baad weliba iigu sii halaan-halaaysaa, mid aan dhalay baa ku hagaajin doona. waxanu kuleenahay haddii aanu nahay Ummadda Somaliland "Mar I Dage Alle Ha Dago, Laba Jeer I Dagana, Aniga Hay Dago"Waynu kala quusanaye qoomama la'aw.

* N.B Isma Eegto Naag Xumi

Halkay IIn Ku leedahaye!

Qore:- Abdi-Shotaly.

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...