Puntland Oo Beenisay In Markabka Panama Ay Burcad Badeed Aftuubteen

0
Friday August 21, 2020 - 12:34:06 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1275
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland Oo Beenisay In Markabka Panama Ay Burcad Badeed Aftuubteen

    "Xaashaa Lillaah, burcad-badeed goorta noogu dambeysay ma garaneyno"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xaashaa Lillaah, burcad-badeed goorta noogu dambeysay ma garaneyno"

Maamul-goboleedka Puntland ayaa ka hadlay warar soo baxay oo sheegaya in burcad-badeed Soomaali ah ay fduubteen markab laga leeyahay dalka Panama, kaas oo ka yimid magaalada Dubai ee dalka Imaaraatka Carabta una soo socday dekadda Muqdisho.



Injiner Maxamed Saalax oo ah Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Puntland oo BBC-da u warramay ayaa beeniyay wararka sheegaya in la afduubtay markabka oo ay saarnaayeen 20 shaqaale ah. Wuxuu xusay in ay la soo deristay cillad farsamo uuna ilaa saddex maalmood ku laalaabanayay xeeb u dhow deegaanka Bareeda ee gobolka Bari.


"Xaashaa Lillaah, burcad-badeed goorta noogu dambeysay ma garaneyno, wararka la isla dhex marayo baraha bulshadana sal iyo raad malaha." ayuu yiri wasiirka.


Wasiirka ayaa intaas ku daray in markabka oo markii hore ay dadka deegaanka ka shakiyeen haatan la soo gabagabeeyay baaritaankii lagu sameeyay, isla markaana marka la xalliyo cilladda farsamada uu ku laaban karo halka uu ka yimid.

Loading...
Loading...