'' La Soco Aduunka , Go'aanadda Shirka Dhuusa-Mareeb ''.

0
Friday August 21, 2020 - 10:16:10 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 811
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' La Soco Aduunka , Go'aanadda Shirka Dhuusa-Mareeb ''.

    W/Q: Ahmed Nour Guruje

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ahmed Nour Guruje

Caawa saqdii dhexe ayaa go'aano ku saabsan doorashooyinka soo socda ee wadanka Somaliya kasoo baxeen magaaladda dhuusamareeb , go'aanadaas oo ay soo saareen sadexda maamul Goboleed ee Galmudug , koonfur galbeed iyo hirshabeele iyadoo shirkaas ay ka maqnaayeen maamul goboleedyadda Puntland iyo juba land oo aan ka qayb gelin .

 

Go'aanadda shirka .

 

1- In 275 xildhibaan mid walba ay soo doortaan 301 ergo , taasoo macnaheedu yahay 275 X 301 = 82 775 .

 

2- In xubnaha baarlamaanka ah ee isku deegaanka ah ( isku qabiilka ah ) doorashadooda isku meel lagu qabto , tusaale hadii 4 xubnood isku meel yihiin in 1204 ergo ee dooranayaa meel wada fadhiistaan waxna ku doortaan , iyadoo hadana ardaa walliba kursigiisa yeelanayo .

 

3- In doorashadaasi isku maalin dhacdo , kuraasida deeganadda ay kasoo jeedaan laga dooran kari waayaana deegaano kale loo raro .

 

4- In kuraasidda Somaliland loosoo doorto si dadban , calashaan beeluhu soo xushaan .

 

Nooca doorashadda .

 

Doorashada sidani maaha doorasho toosa oo dadka oo dhami codaynayo ( one man one vote) mana aha doorasho dad ban oo xubno koobani wax soo xulayaan laakiin waa doorasho labeeba oo aan noocna ahayn .

 

Maamul goboleedyadda maqan ma jirto awood ay ku matali karaan maamul goboleedyadda go aankan soo soo saaray , sidaa darteed ma quseeyo .

 

Somaliland 3 Gobol oo kala ah , Mudug badhkeed , Gobolkii Uper Juba ama jubadda sarre iyo Jawhar Baarlamaan uma samayn karaan , waayo goboladaasi somaliland ma xukumaan .

 

Beesha caalamku durba waxay cambaaraysay maamul goboleedyada shirka ka maqan , hadana waxay soo jeedisay in dib la isugu noqdo oo wax laggu heshiiyo .

 

si kastaba ha ahaatee , 4 sanadood ee dawladda farmaajo waa dhamaad , habkii horre ee wax loo dooran jirey waa lagga guurey , hab cusub oo wax loo dooran karana weli laguma heshiinin , raysal wasaarihii la riday weli badalkiisa lama soo magacaabin , waxaas oo dhamina waxay muujinayaan qalalaasayaasha siyaasadeed iyo sharci ee ka jirra wadanka qasan ee Soomaaliya .


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...