Baaq Ah Siideynta Afar Qof Oo La Xidhay iyo Mahadnaq Gurmadka La Gaadhsiiyay Degmada Sallaxley.

0
Friday August 21, 2020 - 10:10:17 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 818
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baaq Ah Siideynta Afar Qof Oo La Xidhay iyo Mahadnaq Gurmadka La Gaadhsiiyay Degmada Sallaxley.

    W/Q: Siciid Maxamuud Gahayr

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Siciid Maxamuud Gahayr

16kii Ogos 2020ka waxa Degmada Sallaxley ka dhacay dareen lagu muujiyay diidmada qaadhaan loo arkay, in uu ka hooseeyo heerkii la filayay in dawladdu ugu gurmato duufaannadii iyo roobabkii ku da'ay deegaanka. Waxaana la gubay dhar lagu sheegay huudhaydh.

 

Aniga oo aan raacsanayn hannaanka dareenkaas loo cabbiray, waxa la gubayna aanu ahayn agabkii xukuumaddu gaadhsiiyay dadka, waxa tallaabadii shacabka lagaga jawaabay xadhig, baacsi iyo xaalad kale oo la abuuray. Waxa xalkii laga dhigay in la sii huriyo xulad, xiisad iyo xasarad kale.

 

4 qof ayaa ku xidhan Hargeysa oo laga so qaaday Sallaxley. Xadhig-xalaalayn ayaa looga jaray Maxkamadda Gobolka Maroodijeex. Waxaana la barakiciyay oo firxad ah ugu yaraan laba qof oo kala ah Suxufi Askar M Askar iyo Cabdinaasir Ismaaciil Carraale.

 

Intaas kaddib waxa Degmada taageero kala geddisan oo ay gaashsiiyeen Telesom, qurbejoog, Xisbiga Waddani iyo ururro bulsho. Daauud Foundation oo ah urur samafal ayaa maanta gaadhsiiyay Degmada Sallaxley 200 ah siliig. Waa gurmad u furan cid kasta.

 

Maanta ayay xukuumadda Somaliland gaadhsiisay agab kala ah:

1. 2000 jiingadood

2. 300 kiish sibidh

3. 200 loox

4. 2000 geed

5. Ballanqaad ah 200 neef adhi ah.

 

Waxa muuqata in taagtu noqotaba laga jawaabay tabashadii shacabka, waanan mu mahaddinayaa xukuumadda iyo cid kasta oo gurmatay.

 

Si loo ilaaliyo wadajirka ummaddana waxa aan ku baaqayaa in la sii daayo 4ta qof ee xidhan iyo in dabagalka laga joojiyo dhallinyarada lagu raadjoogo. Xalka aynu ka raadinno tallaabo aan xadhig ahayn.

 

W/Q: Siciid Maxamuud Gahayr


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...