Muuse Biixi Cabdi (Muuse Ku Horjoog ) oo ay reer Awdal ku jiqsiiyeen...W/Q Cabdi Muxumed

0
Thursday August 20, 2020 - 19:46:53 in Articles by
  • Visits: 1529
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Cabdi (Muuse Ku Horjoog ) oo ay reer Awdal ku jiqsiiyeen...W/Q Cabdi Muxumed

    Muuse Biixi Cabdi (Muuse Ku Horjoog ) oo ay reer Awdal ku jiqsiiyeen...W/Q Cabdi Muxumed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Biixi Cabdi (Muuse Ku Horjoog ) oo ay reer Awdal ku jiqsiiyeen...W/Q Cabdi Muxumed


Waxa ay ahayd laba todobaad in ka yar ka hor markii madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillahi (Saylici) kaga Boori kaasayay xaflad aan macno badan ku fadhin oo loogu dabaal dagayay wax qabadkii Kulmiye ee 10 sanno. Malaha waxaa ka roonaan lahayd iyadoo loogu yeedho xaflad ku saabsan 10 kii sanno ee bililiqaysiga Kulmiye iyo Women’s Club Parking ka dhigashadda. Xafladaasi oo uu inoo yeedhay madaxwayne ku xigeenku inay doorashaddii dhacayso oo loo dareeri doono dhawaan, laakiin hadalkaasi waxa uu ahaa mid aanu u meel dayin madaxwayne ku xigeenku isagoo aan sharixin sida ay ku qabsoomayso doorashaddu.



Ilaa hadda waxaa ka soo yeedhaya dhawaaqyo kala duwan gobolka Awdal oo qaar leeyihiin waa ay dhacaysaa doorashaddii, waanay ka dhacaysaa gobolka iyo kuwo leh ka dhici mayso ilaa xal loo helo saami qaybsiga oo ay xataa gaadhsiiyeen in bulshooyinka caalamku ay sidaa u la socdaan. Iyagoo intaa ku daray iyo gobolkooda Awdal aanay wax doorasho ah oo laga qaban karaa aanay jirin.


Haddaba halkee ayay salaaddu ka xidhmi la’dahay ayaad is waydiinaysaa. Maxaa se keenay in saddex sanno ku dhawaad oo uu joogay xisbiga la eeday ee Kulmiye, malaha waa Firdhiye e’ in uu hadal uun ka taagnaado doorashaa dhacaysa iyo dhici mayso? Marna ha isku rarnaadaan Madaxwayne Muuse ( KU HOROOG) iyo labada xisbi ee aan talo ay ku dhaamaan jirin ee ay ka qabsatay uun waa in doorasho dhacdaa, taasi oo ay uga gol leeyihiin bal inay mar uun dabada saaraan kursiga sare ee looga arimiyo Somaliland.


Labada xisbi mucaarid mid ka mid ah gudoomiyihiisu waa Cabdiraxmaan Cirro Oo waana kii Golaha Wakiiladda u ahaa guddoomiye muddo dheer. Waxaana la Odhanayaa waxa hor yaala xeerkii doorashadda oo qabyo ah, oo haddiiba uu qabyo tiri waayay isaga iyo golaha wakiiladdu intaas oo sanno na uu hor yaalay golahooda waa maxay doorashadda uu doonayo inay dhacdaa ee uu cid kale farta ugu fiiqayaa. Saw noqon mayso farta ku fiiq xil gudasho la’aantaada, kuna eedee iska fadhiggii adiga iyo golihii aad gudoominaysay cid kale kadib markii ay mudo dheer halkaa ku qaadanayseen mushahar aydaan waxba ugu qaban qaranka miyaanay ahayn inuu dhaboobay tudicii Alle ha u naxariisto ee Abwaankii Cabdillaahi Suldaan Time-cadde "Dabbarkeedda Maandeeq nimaan doonin baa dhamay”


Hore ayaan u qoray maqaal aan kaga hadlayo inaan doorasho wakiilo ka dhacayn Somaliland guud ahaan, haddii ay dhacdana iyadoo bakhti iyo tu xun ku hirgashay inay dhacdo. Waxyaabaha ugu waawayn ee loo cuskan karo aragtidaydaa waxaa ka mida sidaa aan hore u soo sheegay xil gudasho la’aanta mudada dheer ka jirtay golahii Wakiiladda sida sharciga ansixinta Xeerka Doorashadda Golaha Wakiiladda oo fuli waayay iyadoo ay sabab u yihiin Guddoomiyihii hore ee Wakiiladda Cabdi-raxmaan Cirro iyo Xubnaha Wakiiladda oo isku dhan. Waxa kale oo ka mid ah lug jiidkii Muuse oo muddo saddex sanno ku dhow lugta jiidayay isagoo ku wanjalaya xisbiyada mucaaridka ayaa diidan. Laakiin sababta dhabta ah ee uu lugta u jiidayay ayaa ahayd si aanu Hal Term ugu tagin ay taasi dhabaha u xaadho inuu mar kale helo marmarsiiyo uu ku soo noqdo musharaxa Kulmiye mar labaad oo uu yidhaa kuwaas Mucaaridka ayaa lugta I jiiday ee aan qabyo tiro hawlihii ii yaalay iyo kan iyo keer.


Arrinka kale ee xiisaha leh ee aanay doorasho Wakiilo iyo Deegaan aanay u dhici karin waa tiro koob la’aanta dadka reer Somaliland. Arintan eedeedu waxa ay dusha ka saarantahay Muuse Biixi Cabdi (Muuse ku hor jog) iyo kuwii ka horreeyay oo dhan oo iyana aan xilkoodii gudan. Ha noqto xukuumadii Siilaanyo, Riyaale ama Cigaalba.



Isku soo wada xooriyoo ma jirto doorasho sanadka 2020 ka dhacaysa Somaliland haddii ay noqoto mid Gole Deegaan iyo mid Gole Wakiileed toona. Waxaanan leeyahay fulow guuli kuu dhawaydaa, haddii Muuse Biixi daacad ka noqon lahaa inuu doorashooyinkaa qabto saddex sanno ku dhawaad ka hor oo uu bilaabi lahaa 2018 kii in tabaabulsha heedda iyo isku duba ridkeeda, iskuna hawli lahaa waxaan qabaa in doorashooyinku dhici lahaayeen xilli hore. Haddii uu noqon lahaa mid u soo jeeda oo xilkisa gudanaya hadda waxa fadhiyi lahaa Wakiilo cusub iyo Deegaan cusub, nasiib darrose waxa uu ku foogaana dano dhaqaale iyo kuwo siyaasadeed oo khaas ah kana guuxayay laabtiisa in badan. Waqtigiina dhamaa xalna looma helin labadii dhibaato ee markasta lugta jiidayay doorashooyinka soomaliland kala ahna; muranka saami qaybsiga ka taagan xalkiisuna yahay in tiro koob lagu sameeyo dadka reer Somaliland iyo xeerka doorashooyinka oo wali qabyo ah.


Maanta oo ay sannadkii 2020 ka ka hadhay 4 bilood iyo maalmo waa calaacal timo ka soo baxeen doorashooyin Deegaan iyo Wakiilo la qabtaa oo waa ay iska ciyaarayaan ama riyoonayaan Faysal Cali Waraabe (Faysal Kartoon), Cabdiraxmaan Cabdilaahi (Qoslaaye) iyo Muuse Biixi Cabdi (Muuse Ku hor-joog). Murankiina waa mid halkii ka sii socon doona ilaa iyo malahayga inta uu dhamaysanayo Muuse Biixi Cabdi ( Muuse ku-horjoog) 5 sanno Ee hore. Waxa uu la soo baxana aan sugno waxa uu ku xalliyo Shirwaynaha Kulmiye oo loo qoondeeyay haddiiba uu qabsoomo bisha Oktober 2020 Iyo sida uu u qanciyo beeshii uu Hagbadda kula galay Xisbigga Kulmiye ee sheegata inay yihiin aas aasayaashii aanay xaq u leeyihiin inuu mar kale gacantooda soo galo.


Aan ku soo af-meero maqaalkan kooban Muuse Biixi Cabdi oo wakhtiggii uu u lumiyay inuu Term kale wadada ugu xaadho iyo reer Awdal oo ku jiq siiyay barayna cashar uu hore ugu soo macaashay marar badan oo uu ku soo faa’iiday ilaa iyo tan iyo maalintii uu joogay Qaaxo una yaqaano siyaasad hufan oo lagu faa’iido. Haddaba waxaan leeyahay maxaa maanta kaaga meel yaalay waa tan wakhtigii iyo reer Awdal oo is huwani kugu jiqsiiyeene?


Qore: Cabdi Muxumed

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...