Maansadii Liibaan Al CADAALA Ee Uu Tiriyay Khadar Guun
Dayax weeye Liibaan
carradoo damtidhi madow
dulmiguna uu baahay
daacadii iyo cadaaladda
dadka ku soo dabaala
oo daneeya maatidiyo
danyaraha aad u liita
hadba wuxuu u diriraa
dulmanaha la dhacayee
xaqiisana la duudsiyey
Isagoon da’ baddan jirin
daandaansi ma yaqaan
dalab kama yeesho hadalku
nimuu duraayo mooyee
deelqaafna kama dhaco
Marna waa daryeele
u damqada dadkiisoo
jiidhku u dubaaxshoo
isagoon u dayin reer
haraad kuwa uu dilay iyo
duufaan kuwuu haleeliyo
kuwuu foqorku daashadee
gaajada la daadsan
dag-deg ugu gargaara
Doqon iyo waxaa neceb
damiir midaan lahaynoo
qabyaaladuna dishootayoo
jecelna dulmiga huursan
oon doonaynin goornaba
danta in loo sinaado
Waa nin dareen lahoo
haddii ruux la duudsiyo
xaqiisana la doonoo
daafahaa aduun kana
dadku wada xiiseeyaan
daqiiqaduhuu hadlaayee
Al Caddaala daaro
Ma daneeyo Liibaan
xukunkii dadka u daran
dastuurkana aan raacinee
daadufeeya xeerkee
hadba qabiilkii doortay
daaf walba u buuxshee
inta kalena daadshee
dadka qaar faquuqa
Ma daah baa inaga saaran
inta haraadku dilayee
dadka intuu u dhex galay
u dalooliyey ceel dheer
oo diiftii inta ay reebeen
xareediina durduurteen
intaa u soo duceeya
Ma daah baa inaga saaran
degmadeey dhirbaaxeen
dabaylihii iyo roobkii
degdeguu ugu uruurshay
doollarkii iyo lacagihii
duniduba ay yaabtay
Daric ragga ayaad tahay
dayr adag ayaad tahay
damal lagu qaboobayoo
dadkii wada hadheeyiyo
deeqsi iyo gob baad tahay
Daayin ha ku ilaasho
dunida inta aad nooshahay
ha duleeyo nacabkaaga
doqon iyo nin liitana
ha danayn warkooda
Erayagii Khadar Guun
Taariikhda
Arbaca August 19, 2020
Toronto Canada