Maansadii Liibaan Al CADAALA Ee Uu Tiriyay Khadar Guun

0
Thursday August 20, 2020 - 18:22:46 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 4389
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maansadii Liibaan Al CADAALA Ee Uu Tiriyay Khadar Guun

    Erayagii Khadar Guun

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Erayagii Khadar Guun



Dayax weeye Liibaan

carradoo damtidhi madow

dulmiguna uu baahay

daacadii iyo cadaaladda

dadka ku soo dabaala

oo daneeya maatidiyo

danyaraha aad u liita

hadba wuxuu u diriraa

dulmanaha la dhacayee

xaqiisana la duudsiyey

 

Isagoon da’ baddan jirin

daandaansi ma yaqaan

dalab kama yeesho hadalku

nimuu duraayo mooyee

deelqaafna kama dhaco

 

Marna waa daryeele

u damqada dadkiisoo

jiidhku u dubaaxshoo

isagoon u dayin reer

haraad kuwa uu dilay iyo

duufaan kuwuu haleeliyo

kuwuu foqorku daashadee

gaajada la daadsan

dag-deg ugu gargaara

 

Doqon iyo waxaa neceb

damiir midaan lahaynoo

qabyaaladuna dishootayoo

jecelna dulmiga huursan

oon doonaynin goornaba

danta in loo sinaado

 

 

Waa nin dareen lahoo

haddii ruux la duudsiyo

xaqiisana la doonoo

daafahaa aduun kana

dadku wada xiiseeyaan

daqiiqaduhuu hadlaayee

Al Caddaala daaro

 

Ma daneeyo Liibaan

xukunkii dadka u daran

dastuurkana aan raacinee

daadufeeya xeerkee

hadba qabiilkii doortay

daaf walba u buuxshee

inta kalena daadshee

dadka qaar faquuqa

 

Ma daah baa inaga saaran

inta haraadku dilayee

dadka intuu u dhex galay

u dalooliyey ceel dheer

oo diiftii inta ay reebeen

xareediina durduurteen

intaa u soo duceeya

 

Ma daah baa inaga saaran

degmadeey dhirbaaxeen

dabaylihii iyo roobkii

degdeguu ugu uruurshay

doollarkii iyo lacagihii

duniduba ay yaabtay

 

Daric ragga ayaad tahay

dayr adag ayaad tahay

damal lagu qaboobayoo

dadkii wada hadheeyiyo

deeqsi iyo gob baad tahay

Daayin ha ku ilaasho

dunida inta aad nooshahay

ha duleeyo nacabkaaga

doqon iyo nin liitana

ha danayn warkooda

 

 

Erayagii Khadar Guun

 

Taariikhda

Arbaca August 19, 2020

Toronto Canada

Loading...
Loading...