Joojinta Isticmaalka Erayga "MIDGAAN" ma waxay u baahan tahay Parliamentary Vote?.

0
Thursday August 20, 2020 - 18:10:36 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1277
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Joojinta Isticmaalka Erayga "MIDGAAN" ma waxay u baahan tahay Parliamentary Vote?.

    Waxaa qoraalkan inala wadaagay: Mahamed Ahmed Bacaluul.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa qoraalkan inala wadaagay: Mahamed Ahmed Bacaluul.

In la joojiyo adeegsiga erayga”midgaan” ma waxay u baahantahay xeer baarlamaan oo lagu dambiyeeyo?, sida uu ku doodayo Garyaqaan Barkhad Batuun. Hore se waatii Dawladdii Siyaad Barre tidhi "car waa cidda ku dhawaaqda MIDGAAN” miyay kuu guuleysatay iney eraygan ka saarto qaamuuska afsoomaalkga? Misa "cartaasi” waxay dhashay xasarad iyo kibir ay ka qaadeen qaar kamida kuwii la yidhi dhegahooga halaga ilaaliyo?



Adeegsiga ‘eraygani’ ku baabi’i maayo xoog-xoog iyo ciqaab la iskaga cabsiiyo, balse waxay u baahantahay faham iyo istaraatajiyad ka ballaadhan intaasi, mar haddii ay dhaqan ku salaysantahay oo ay tix iyo tiraaba ku jirto. Berkhadna waxay uga baahantahay hawl intan ka badan arrintani, inta uu iska fadhiisto hadday la tahay in xeer lagusoo afjarikaro. In meesha laga saaro dareenka taban (prejudice) ee ay bulshadu kala qabto waxay baahantahay cid u ban baxda oo la timaadda halgan iyo abaabul aragtiyeed/saqaafadeed oo ku salaysan hiigsidheer umase baahna Minbar saacado la isku muujiyo iyo caadifadda bulshada oo lala ciyaaro daqiiqado kooban.

 

Waxaa qoraalkan inala wadaagay: Mahamed Ahmed Bacaluul.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...