Maamulka Puntland Oo Lacag Ku Soo Rogay Dadka Dhoofaya Ee Laga Baadho Cudurka Covid-19

Lacagtan, Waa labo jibaarka lacag ay dowladda federalka soo roogtay shahaadada covid19. Sidoo kale Somaliland ayaa lacag intaas aad uga yar ka qaadda shacabkeeda, lacagtaas oo u udhexeysa 10-15 dollar.
Lama garanayo sababta ay Puntland shacabkeeda ugusoo rogtay lacagta intaan le’eg xilli ay shacabku horey uga cabanayeen duulimaadyada maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah oo ka qiimo sareeyo Soomaaliya inteeda kale.
Arrintaani ayaa aad looga cabanayaa, iyadoo eedayn dusha looga tuuray wasaaradda caafimaadka Puntland oo lagu eedeeyay inay ganacsi ka sameynayso caafimaadka bulshada iyo qalabkii covid19.
Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa dhawaan soo saartay in lacag ka badan 30 dollar aan laga qaadi karin dadka safraya, si loo siiyo shahaadada caddaynaysa qofku inuusan qabin Covdi9.
Garoowe(HWN):-Maamul goboleedka Puntland ayaa lacag ku soo rogay qof kasta oo laga baadho xanuunka Coronavirus isla markaana ka dhoofaya madaarada maamulkaasi.
![]() |
Maamulka Puntland ayaa lacagta uu soo rogay ay dhan tahay $68 laga qaadayo qof kasta taas oo ka badan lacag ay dawlada federaalka ah ee soomaaliya hore u shaacisay in laga qaado qof kasta oo laga baadho xanuunka Coronavirus.

Loading...
Loading...

0 