Xanta Suuqqa ee Xisbiga Kulmiye.

0
Thursday August 20, 2020 - 17:15:52 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1146
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xanta Suuqqa ee Xisbiga Kulmiye.

    W/Q: Alimahdi Jibril Hassan Shiikh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Alimahdi Jibril Hassan Shiikh

Waxa soo baxaya xogo laga helayo shir-weynaha xisbiga kulmiye ee dhacaya 4-ta bisha 10aad ee 2020



 

Ugu horeyn xisbigu waxa uu gowracay siyaasiyiintii bilaa-hanka ahayd ee hebel ku xumeeda u hadli jiray oo warkoodu soo afjarmi doono bisha foodda inagu soo haysa.

 

Golaha dhexe ayuu Madaxweynuhu soo koobi doonaa isagoo ka dhigaya 150 xubin oo keliya halkii markii hore laba jibaar intaas ahayd, xubnaha golaha dhexe intooda badani waxa ay noqon-doonaan Masuuliyiin Xilal ka haya Xukuumadda.

 

Gudoomiyaha Xisbiga Waxaa mar kale isku caleemo saari doona Madaxweyne Muuse Biixi, Halka Maxamed kaahin ay khasab ku noqon doonto in uu iska iimaansado Wasiirnimadiisa iyo ku xigeenka 1aad ee xisbiga,

ku xigeenka labaad laba shakhsi ayuu Madaxweynuhu mid u dooran doonaa labadaas oo kala ah Cali Maxamed Warancadde iyo Axmed Cabdi Dheere oo labadaba uu hunguri kaga jiro booska ku xigeenka 2aad.

 

Ku xegeenka Saddexaad waxaa bilaa shuruud lagu saari doonaa Wasiir Saleebaan Cali Koore, halka ku xigeenka afraad Wasiir Saajin iyo Madaxweyne ku xigeen Saylici ku loolami doonaan.

 

Xulashada xubnahaasi waxa ay meesha ka saari doontaa siyaasiyiin bilaa han ahaa sidoo kale aan taageero deegaamadooda ka haysan oo hebel ku xumeeya u hadli jiray ayna ka mid ahaayeen Axmed Cabdi Dheere oo suuqqa gashan jiray anaa la igu wareejinayaa, iyo Xasan Gaafaadhi oo dadka u sheegi jiray in uu han leeyahay balse ahaa masuul aan hankiisu gaadhsiisnayn ilaa heerkaa.

 

Sidoo kale shuruudaha lagu xidhay musharixiinta ayaa meesha ka saaray Hungurigii Prof Axmed Ismaaciil Samatar.

 

Siyaasigii Codkarka ahaa ee Cabdicasiis Samaale oo isaga damaciisu ahaa in uu noqdo Gudoomiye ku xegeenka koobaad haddii xisbiga Maxamuud Xaashi ama Maxamed kaahin mid lagu wareejiyo isagana shirwaynahani wuxuu sii fogayn doonaa hankiisii Siyaasadeed.

 

Siyaasigii Ruug Cadaaga ahaa ee dadku wada naawilayeen Maxamuud Xaashi Cabdi mudooyinkii u danbeeyayna ergooyin badani ku socdeen ayaa u muuqda mid gebi ahaanba aan aqbali doonin in Madaxweyne Muuse mar labaad hogaanka Xisbiga sii xejisto, sida dad badani sugayaanna hadii qorshahani u hirgalo Madaxweynaha waxaa u bilaabmi doonaa khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya isaga iyo Maxamuud Xaashi dadka siyaasadda waqtigan u dhuundaloolaana ku saadaalinayaan in uu noqon doono kii sahayan lahaa xisbiga mudada badan guusha u saaxiibka ahaa ee Kulmiye kalana fogayn doona taageerayaashii hore ugu midaysnaa Kulmiye ee Magacyada badan loo bixiyay.

 

Maxamuud Xaashi oo waqtigan isagu ah siyaasi saamayn badan aqlabiyadda taageerada Deegaankiisana haystaa uu noqon karaa jookar siyaasadda wax weyn ka bedeli kara marka loo eego waqtigan oo awoodda siyaasadeed ee reerkiisa aanay cidi kula loolamayn isagoo fursaddan ka helay labada siyaasi ee la hadal hayay deegaan ahaan oo midi Hogaamiye ka yahay Xisbiga Waddani oo aanay deegaankoodu ku qanacsanayn xisbigaas, ka kale oo ah wasiir Maxamed kaahin isna la joogo Madaxweyne Muuse oo Xukuumadiisa iyo Xisbigiisaba Saluug badan ay ka qabaan sidoo kalena danaynaya in ay isaga huleelaan, fursadaas ayaa inta Badan Xaashi u ogolaanaysa in dhinaca uu u jiheeyo Siyaasaddiisa Deegaankiisuna ula jeesto. Balse haddii uu Kulmiye Baaqi ku sii ahaado isagoon Hantiyin Hogaanka Kulmiye waxa uu lumin doonaa taageerayaasha xoogga leh re uu haysto.

 

Si kastaba ha ahaatee Xiiso Badan ayay Xulashada Xisbiga Kulmiye ku haysaa Bulshada Xilli Xisbiyadii Mucaaradka ahaana Sugayaan Shirwaynaha Kulmiye oo la filayo in Dalka oo waqtigan aan lahayn Mucaarad Adag oo la iski halayn karo uu wax ka bedelo Siyaasadda ku liddiga ah Xukuumadda.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...