Wakiilka Cusub Ee Itoobiya U Qaabilsanaan Doona Somaliland Oo Xilkii La Wareegay
Hargeysa(HWN):-Waxaa maanta magaalada Hargeysa lagusoo dhoweeyay wakiilka dowladda Itoobiya ay usoo magacowday Somaliland Saciid Maxamed Jabriil.
Saciid ayaa waxaa uu horay ugasoo shaqeeyay gudaha
Somaliland, gaar ahaan dhinaca wax-barashada sare, isagoo kasoo howl-galay
Jaamacadda Hargeysa, kanasoo noqday Guddoomiye ku-xigeen.
Waxaa dhowaan loo magacaabay xilka ah wakiilka Itoobiya u fadhiyi doona
magaalada Hargeysa, isagoo ka shaqeyn doona guud ahaan Somaliland.
Mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland ayaa horay soo dhoweyn ugu sameeyay magaalada
Hargeysa, waxa uuna ahaa nin muctarif ka dhex ahaa bahda aqoonyahannada
Somaliland.
Dowladda Itoobiya iyo Somaliland ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir wanaagsan oo
wada shaqeyn ah.


0 





