Basaska Ardayda iyo Taraafiga Hargaysa W/Q: Cali Cabdi Coomay
Caadiyan inta u dhaxaysa 6:00 aroornimo ilaa 7:30 aroonimo waxa si xawli ah ardayda dugsiyada u gur basaska caasimada Hargaysa. Wixii dhacaya wakhtiyadaasi waxa inta badan markhaati ka noqda dadka salaadda subax tukada. Ciidamada Taraafiga ayaa inta badan wakhtiyadan is-taagan is-goysyada mihiimka ah ee magaalada, si u fududeeyaan cidhiidhiga baabuurta aroortii shaqo taga ah. Dhawr dhacdo ayaan markhaati ka ahaa oo dhexmaray qaar ka mid ah basaska ardayda qaada iyo ciidamada Taraafiga. Waxa aynu ka xusi karnaa kuwan hoose:
=
Aroor dhawayd meel goolad ah ayey Taraafigu ku joojiyeen bas ku socda xawaare
la yaab leh oo ay saaran yihiin arday kuwa dugsiyada ahi. Baska waxa waday nin
u muuqday inuu ahaa kirishboygii baska, markii la su’aalay sababta uu
xawaarahan intaa leeg ugu socdo ayuu af-buux ku yidhi” saloolka ayaa soo
dhigayaa si aan uga soo gaadho fursada istaanka”. Kelmada SALOOL waxa ay
baslayaashu u adeegsadaan ardayda dugsiyada ay geynayaan. Askariga Taraafiga ah
oo sitay derejada Kabtanka oo u muuqday nin dhiiran oo aan gabbasho lahayn,
ayaa markiiba amray inuu baabuurka waddada ka saaro isna uu soo dego. Sidii
caadada ahayd wuxuu weydiiyey sharcigiisii.
Ma haysto ayuu ugu jawaabay. Ardaydii ayuu weydiiyey lambarka maamulka dugsigooda, waanu la hadlay oo uu ku yidhi” ardayda bas u soo dir oo meel heblaayo ugu keen, baskii waanu ganaaxnay, annaga oo Taraafiga ah”. Maamulaha dugsiga oo marayey meel aan ka fogeyn goobta ayaa markiiba soo gaadhay goobta ardaydiina bas kale saaray. Dad goobta ku sugnaa ayaa Kabtanka weydiiyey wuxuu sameeyey, waxaanu ugu jawaabay” AFKEEDAY EEDDAY”. Wuxuu sarbeebay ergaydii SALOOL ee uu ardayda u adeegsaday. Iyada oo sidii looga lusho oo uu isna kolba gidaar fadhiisanayo sidii tuug la qabtay ayaanu goobtii ka tagnay.
=
Bas caasi lambar dawladeed sita oo sida muuqatay ka habsaamay shaqaalihii
wasaaradda oo xawaare sare ku socda ayaa daf soo yidhi goob ay Taraafigu
joogeen. Isla markiiba waxa lagu yidhi” sideed u socota adiga oo gaadhi
dawladeed wada” malahayga dhawr habeen muu seexan marka la eego muuqaalka
wejigiisa. Isna wuxuu si fudud u yidhi” waar imika ayaan aayar socdee waaban ka
dheereeyaa sidan”, wuxuu isku qiray inuu hadh iyo habeen xawaare sare ku socdo.
Markiiba amar deg deg ah ayaa lagu riday oo gaadhigii ayaa laga dejiyey. Iyada
oo dood muran u badan oo madhalays ahi socoto, ayuu nasiib wanaag goobtii soo
maray agaasimihii guud ee wasaaraddii uu ka tirsanaa gaadhigu. Agaasimaha ayaa
daaqada baabuurkiisa kala hadlay Taraafigii oo yidhi” maxaa lagu haystaa
gaadhigan, waxa aan ahay agaasmihii maamulayey wasaaradda uu ku tirsan yahaye”.
Laba xiddigle Taraafig ah ayaa yidhi” gaadhigu wuxuu ku socday xawaare sare oo
weliba gooladan ayuu soo galay”. Agaasimihii ayaa Taraafiga hortooda ku
cannaantay dirawalkii bas caasiga, waxaanu codsaday inay markan Taraafig ahaan
cafiyaan oo uu sharcigii wasaaradda u yaallay la tiigsan doono. Waanay ka
yeeleen.
=
Waxa is-xagtay laba bas oo arday sida, ka dib waxa is-maandhaafay labadi
dirawal, oo markii dambe gacanta isula tegay. Labadan bas waxa saaran arday,
markii labadii dirawal la kala qabtay, waxa haddan hal mar is-fara saaray
labadii arday ee labada bas kala saarnaa, iyada oo qolo kastaa dirawalkooda la
safan. Goobtii ayaa isu rogtay kooxo dagaal isku qaaday. Qiyaas ahaan tirada
ardayda saarnayd waxa ay ahaayeen 40 arday. Bal waa taase 40 arday oo
dhallinyaro ah oo aan caqli ku jirin dagaal mooyaane kala qabo. Dagaal wadareed
ayaa qabsaday dhammaan goobtii labada bas isku xagteen. Waddadii xidhantay, oo
meeshaasi dhibta ka taagan ma malayn karaysid. In yar ka dib waxa soo gaadhay
Taraafigii, oo xaaladii kala dejiyey oo waddadii furay. Hasayeeshee waxa weli
halkiisii ka sii socday dagaalkii u dhexeeyey ardaydii bannaanka is-baacsanaya.
Nasiib wanaag waxa la kulmay xaajiyada boolis saaran yahay oo maxaabiis isku
xidhan u siday dhinaca maxkamada. Kuwii qaar ka mid ah ayaa soo degay oo ku
dhexdhacay dagaal wadareedkii oo xaaladii caadi ku soo celiyey.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!