Dhismaha Garoonka Shulaac Oo Qarka U Saaran In Musuq Maasuq U Fashiliyo Qaab La Mid Ah Mashruucii Biyaha Ee Xumbo-wayne

0
Wednesday August 19, 2020 - 21:37:32 in News by
  • Visits: 2438
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhismaha Garoonka Shulaac Oo Qarka U Saaran In Musuq Maasuq U Fashiliyo Qaab La Mid Ah Mashruucii Biyaha Ee Xumbo-wayne

    Dhismaha Garoonka Shulaac Oo Qarka U Saaran In Musuq Maasuq U Fashiliyo Qaab La Mid Ah Mashruucii Biyaha Ee Xumbo-wayne

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhismaha Garoonka Shulaac Oo Qarka U Saaran In Musuq Maasuq U Fashiliyo Qaab La Mid Ah Mashruucii Biyaha Ee Xumbo-wayne

Hargeysa(HWN:-Guddidii gacanta ku haysay dhismaha garoonka kubada cagta ee Shulaac ayaa lala xidhiidhiyey musuq maasuq ka dhan ah hawshii ay gacanta ku hayeen.

Dhismaha garoonka oo la bilaabay sanadkii 2014 balse ilaa maanta aan wax badan laga hirgelin ayaa keentay in lays waydiiyo halka la geeyey lacagihii ay guddidu u ururisay iyo midii loogu daray miisaaniyadii somaliland ee sanadkii 2017.

Lacag gaadhaysa laba boqol iyo kontonkun oo doolar ($250,000) ayaa la sheegay in dhismaha garoonka shulaac loogu daray miisaaniyadii somaliland ee sanadkii 2017 taas oo ilaa hada aan la ogayn meel lagu bixiyey.

Dhinaca kale waxa la baafinayaa lacagihii kala duwanaa ee ay shacabku u ururiyeen dhismaha garoonka Shulaac Stadium taas oo ku dhacday gacanta guddida maamulaysa dhismaha garoonka.

Guddi hoosaadka ilaalinta iyo dabagalka hantida qaranka ee golaha wakiilada ayaa warbixin ay dhawaan soo saareen waxay musuq maasuq ku xidhiidhiyeen guddida gacanta ku haysa dhismaha garoonka Shulaac oo ay sheegeen in lagu lunsaday lacag badan.

Dhinaca kale dhalinyarada degmada 26-ka June oo garoonka Shulaac laga dhisayo ayaa baraha bulshada ku soo bandhigaya qoraalo ay ku sheegayaan inay raadinayaan guddidii gacanta ku haysay dhismaha garoonkaas oo la la yahay meel ay jaan iyo cidhib dhigeen.

Garoonka Shulaac ayaa ka mid noqonayaa mashaariicda musuq maasuqu dul hoganayo ee xukuumada Kulmiye gacanta ku haysay isaga oo haatan qarka u saaran inuu u fashilmo qaab la mid ah mashruucii biyo balaadhinta Hargeysa ee Xumbo-wayne.

Loading...
Loading...