Muuse Biixi Oo Xisbigii Kulmiye U Rogay Dukaan Ganacsi Oo Uu Lacag Ka Raadiyo Iyo Beelihii Jeegaanta Oo Isa Sudhan…..Warbixin

0
Wednesday August 19, 2020 - 18:38:14 in News by
  • Visits: 2916
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Xisbigii Kulmiye U Rogay Dukaan Ganacsi Oo Uu Lacag Ka Raadiyo Iyo Beelihii Jeegaanta Oo Isa Sudhan…..Warbixin

    Muuse Biixi Oo Xisbigii Kulmiye U Rogay Dukaan Ganacsi Oo Uu Lacag Ka Raadiyo Iyo Beelihii Jeegaanta Oo Isa Sudhan…..Warbixin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Biixi Oo Xisbigii Kulmiye U Rogay Dukaan Ganacsi Oo Uu Lacag Ka Raadiyo Iyo Beelihii Jeegaanta Oo Isa Sudhan…..Warbixin


Hargeysa(HWN):-Tan iyo wakhtigii uu talada somaliland gacanta ku dhigay Hogaamiye Muuse Biixi waxa dalka hadheeyey qorshayaasha macaash doonka ah ee ka soo fulaya madaxtooyada.



Muuse Biixi oo xilka uu hayo uga faa,iidaysanaya inuu ku gaadho danihiisa gaarka ah ayey si isdaba joog ah uga soo fulayeen qorsheyaal salka ku haya macaash uu ka raadinayo talaabo kasta oo uu qaadayo.

FALLO:

Xukuumada Muuse Biixi oo noqotay midii ugu liidatay mudadii ay somaliland jirtay ayaa guud ahaanteedba ku hawlanayd hirgelinta qorshayaasha macaash doonka ah ee Muuse Biixi dhinac kasta oo ay tahayba balse ficilada dhaqaale raadiska ah ayaa haatan u janjeedhsaday dhinaca xisbiga Kulmiye maadaama oo uu soo dhawaaday shirweynihii xisbigaasi oo la mudeeyey bisha October ee sanadkan 2020.


Muuse Biixi oo adeegsanaya gudoomiyihiisa hay’adda barakacayaasha iyo qaxoontiga Cabdikariin Xinif oo ah masuul u dhaga nugul oo uu gudoomiye uga dhigay guddida qaban qaabada shirweynaha Kulmiye ayuu amar ku siiyey inuu shaaciyo shuruudo lagu xidhay cid kasta oo doonaysa inay isku soo sharaxdo gudoomiyaha xisbigaasi.


Qodobada uu shaaciyey Xinifka dhagaha fududi ayaa waxa ka mid ahaa mid tilmaamaya in masuul kasta oo doonaya inuu tartan u galo xilka gudoomiyaha xisbiga Kulmiye uu bixiyo lacag dhan 129,000,000(Boqol Iyo Sagaalyo labaatan milyan oo shilinka somaliland) una dhiganta $14,333(afaryo tobankun sadex boqol iyo sadexyo sodon doolar).


Qorshaha Muuse Biixi ku hirgelinayo shuruudahan cusub ayaan ahayn kuwa sharciga xisbiga iyo kan dalkaba ku fadhiya balse ka turjumaya danihiisa gaarka ah isla markaana uu doonayo inuu ugu quus gooyo masuuliyiin culus oo damac kaga jiro hogaaminta xisbigaasi.


Sababaha ugu waa weyn ee Muuse Biixi ku kalifay inuu shuruudahan soo kordhiyo ayaa dadka siyaasada falanqeeyaa ku sheegayaan inuu uga dan leeyahay sidii uu caqabado ugu dhigi lahaa siyaasi Maxamuud Xaashi oo hore u shaaciyey damaca kaga jirta hogaaminta xisbigaas isla markana ah masuul saamayn balaadhan ku leh xisbiga iyo guud ahaan tageerayaasha xisbiga Kulmiye kana soo jeeda beesha bariga Burco oo ka mid ah labada beelood ee isbahaysiga Jeegaanta ku midaysan.


Talaabada Muuse Biixi ayaa noqonaysa mid sii kala fogayga beelihii jeegaanta ee ku midaysnaa xisbiga Kulmiye maadaama beesha bariga Burco ay u aragto shuruudahan qaar si gaar ah loogu bartilmaameedsanayo siyaasi Maxamuud Xaashi oo damac ka hayo hogaaminta xisbigaasi isla markaana ay si weyn u taageersan yihiin halka uu hogaamiye Biixi aanu doonayn inuu wareejiyo xilka gudoomiyaha Kulmiye.


Sidoo kale siyaasiyiinta Proff Axmed Ismaaciil Samatar iyo Jamaal Cali Xuseen oo wadanka dibadiisa ku sugan ayuu hordhigay qodob uu kaga hortagayo in damac ka galo gudoomiyaha xisbiga Kulmiye, waxaana shuruudaha ka mid ah qodobo sheegaya in qofka xilkaas doonaya uu labadii sanadood ee ugu dambeeyey dalka ku sugan yahay balse labadn aqoonyahan ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey ku sugnaa dalka dibadiisa kuwaas oo ilaa hada ku maqan.


Sidoo kale qodob lagu xakamaynayo labadan aqoonyahan oo ku jira shuruudaha Muuse Biixi ayaa ah inay xisbiga ku jireen 10 sanadood ee ugu dambeeyey balse labadan aqoonyahan ayaa mudo kooban ka mid ahaa xisbigaasi.


Dhinaca kale Muuse Biixi oo gudoomiyaha xisbiga Kulmiye loo doortay sanadkii 2014 ka dib shirweyne uu xisbigaasi ku yeeshay Hargeysa ayaanay jirin shuruudo ka hor imanaya xeerka xisbiga iyo sharciyada dalka oo wakhtigaasi uu dul dhigay madaxweyne Siilaanyo oo ahaa gudoomiyaha xisbigaasi iyada oo Muuse Biixi uu ahaa musharax kooto loogu xidhay tartanka jagada gudoomiyaha kulmiye.


Si kastaba ha ahaatee Muuse Biixi ayaa hada u muuqda in qorshayaashii macaashdoonka ahaa ee uu dawladnimada ugaga faa,iidaysanayey uu haatan u soo talaabiyey xisbiga Kulmiye ka dib markii uu istusay in fursad dhaqaale ku jirto shirweynaha xisbiga kulmiye isla markaana uu si fudud ugu gaadhi karo danaha siyaasadeed ee uu leeyahayna.



Loading...
Loading...