Qashinkii jidka lagu shubay!! W/Q Maxamed Sidiiq Dhamme

0
Wednesday August 19, 2020 - 16:33:55 in Articles by
  • Visits: 881
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qashinkii jidka lagu shubay!! W/Q Maxamed Sidiiq Dhamme

    Qashinkii jidka lagu shubay!! W/Q Maxamed Sidiiq Dhamme

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qashinkii jidka lagu shubay!! W/Q Maxamed Sidiiq Dhamme


Galabta anago oo ka nimi safar Degmada Laas-geel ayaanu la kullannay Gaadhi iska-rogo ah oo ku daadinaaya jidka isku xidha Hargaysa iyo Berbera agagaarka Hallaya, lawdh saxaro ah oo uu siday. Waxaanu isku daynay in aanu ka qabanno dheg wuu noo dhigi waayay waxaanu ku daaday qashinkii jidka dhexdiisa. Waxa aanu ka xumaanay jidka oo jajaban dayac badanina ka muuqdo in muwaadinkii dhisi lahaa jidka gooyo oo ku daadiyo kudaafad halkii uu ka gayn lahaa meel habboon oo aan ahayn waddo.

Image may contain: 1 person, standing, sky, outdoor and nature


Dub ayaanu u noqonnay waxaanan ku gaadhnay iska-rogadii kaantaroolka Hallaya, waxaanu u sheegnay dhacdadi fosha xumayd Taliyaha saldhiga Hallaya Naasir, waxaan uga mahadcelinayaa Taliyaha oo gutay masuuliyad weyn, darawlkii iyo gaadhigiin xidhay in uu nagu gacan siiyay jawaabta dhacdadaasna wuu ku ammaanan yahay. Si aanu u tusno taliyaha waddada darawalku qashinka ku daadiyay dub ayaanu u soo noqonnay waxaanan soo dul istaagnay goobtii oo gaadiidku ku cadilan yihiin qadhmuunka iyo qashinka meesha yaalna ku argagax gelinaayo.


Qof kasta xilbaa ka saaran deegaankiisa waana in xil bulshadu iska saartaa dadka waddooyinka qashinka ku daadiya, golaha deegaanku waa in ay la xisaabtamaan dadka sameeya foolxumadan. Waxaan u mahadcelinayaa saaxiibadii aanu wadasoconay oo waajibka nala gutay.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...